crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney 500 oo maalmood ku dhex nooleyd GOD 70 mitir Dhulka hoostiisa ah! | HimiloNetwork

Haweeney 500 oo maalmood ku dhex nooleyd GOD 70 mitir Dhulka hoostiisa ah!

MUQDISHO (HN) — Haweeney Spain u dhalatay ayaa muddo 500 oo maalmood oo xiriir ah keligeed ku dhex nooleyd god gaar ah: bilowgii 2021 ayay u baxday safar dhulka hoostiisa ah. Waqtigaas dunida waxaa ka jiray Covid-19, Ruushkuna weli kuma uusan duulin Ukrayn.

Falmini waxay ahayd 48 jir markii ay godka u dhaadhacday, hadda waxay kasoo baxday iyada oo 50 jir ah. War iyo wacaalna uma heyso wixii dunida ka dhacay 500 oo maalmood. In kasta oo wax xiriir dibadda ah aysan lasoo sameynin cidna, haddana waxaa xaalkeeda si dhow ula socday sahmiyayaal iyo degelbaarayaal u kuurgalayay waxa ay ka dhigan tahay nolosha godadka. Waxaana loo tix-geliyaa tijaabadii koowaad oo abid la sameeyey taariikhda dhow.

“Wuxuu godu qodnaa dheeraan ku dhow 70m (230ft) waxaana ahaa qof aamusan; lama hadli jirin cid aan ka ahayn naftayda,” ayay u sheegtay warfidiyeenka.

Xirashada indha-gashi ay iskaga ilaalinayso iftiinka badan ee cadceedda maadaama aysan mugdi mooyee wax if ah arkin 500 oo maalmood, waxay safarkeeda ku micneysay mid xiiso leh oo aan qof kasta ku dhici karin. Waxay balanqaaday inay wax badan ka warbixin doonto waaya’aragnimadeeda marka ay qubeysto maadama muddada intaas la’eg aysan korkeeda biyo marin.

Nasiib wanaag waxay ku guuleysatay inay aqriso 60 buug sidoo kalana ay sameyso jimicsi iyo jirdhis kale oo caafimaadkeeda muhiim u ah.

Balse dundia mugdiga ah ee inaga hooseysa waxay kusoo aragtay noolayaal cayayaan u badan kuwaas oo dulqaad aan u lahayn in degmadooda lala qeybsado.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!