crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Warqad furan oo ku socta Duqa Caasimadda: Guddoomiye Madaale. | HimiloNetwork

Warqad furan oo ku socta Duqa Caasimadda: Guddoomiye Madaale.

MUQDISHO (HN) — Guddoomiyaha Gobalka Banaadir – ahna Duqa Muqdisho – iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan ogeysiiyo in muddo toddobo bilood ah oo aan habeen iyo dharaar – gabaldhac iyo waaberi – aan iskaga daba noqonayay xafiisyada heer degmo, mid gobol iyo mid qaran aniga oo dalbanaya caddaalad, inaan weli helin cadaaladdii aan u baahnaa.

Farriintanna waxaan gaar ugu dirayaa guddoomiye Madaale oo aysan wali cabashadaydu gaarin.

Mudane Guddoomiye, September sannadkii hore 2022 ayay ahayd markii aan soo bilownay qorshihii aan ku dhisan lahayn dhulkeenna. Innaga oo hadiyo jeer ku kalsooneyn in sida aysan faruhu u wada sinneyn oo kale shaqaalaha dowladdu ay u kala caddaalad iyo xaqsoor badan yihiin, haddana waxaan ka xumahay inaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ‘Madaale iyo umadda Soomaaliyeed ku wargeliyo in ilaa iyo maantadan aan idin la hadlayo aan helin cadaalad iyo xaqsoor.

Mudane Guddoomiye, Guddoonka degmada wuxuu ka gaabiyay inuu cadaaladda ila marsiiyo dhinacyada sida sharci-darrada ah iiga hortaagan inaan milkiyadda dhulkayga ku dhisto, waxaan heysataa dhammaanba dukumentiyadii caddaynayay lahaanshaha dhulkayga iyo warqadda fasaxa dhismaha oo dowladda hoose ay ii jartay.  Laakiin mudane Guddoomiye, marwalba oo aan damco inaan dhisto waxaa la igu soo kiciyaa dadka xaafadda iyo ciidamo aan wadan dareyska ciidamada.

Mudane Guddoomiye, waxaa dhulka lala simay dhammaanba caro-kaawooyinka aan ku dejinay booskeenna waxaana habeen madow lagu daldalay baaldiyo, falkaas baalmarsan sharciga waxaa fulinaya shaqsiyaad dhulkeenna deris la ah oo si cad ugu faanaya inay sharci ka sarreeyaan oo qiimaha ay doonayaan ku iibsan karaan.

Mudane Guddoomiye, waxaa xusid in arrinaydu aysan ku xirneyn hubin iyo xaqiijin, balse ay kaliya ku xiran tahay fulin. Waayo dhammaanba habraacyadii loo mari jiray lahaanshaha iyo milkilyadda dhulka iyo fasaxa dowladda hoose way ii dhan yihiin. Waxaa kale oo muhiim ah inaan ku ogeysiiyo, mudane Guddoomiye, in boosas lamid ah midkayga oo ku kala yaalla degmooyinka caasimadda ay jiraan kuwaas oo ah biisas ama dhulal minishibaale ah laguna degan yahay xaafadda oo qaarkood ay ka dhisan yihiin guryo dabaqyo iyo masaajiddo isugu jira.

Mudane Guddoomiye, Soomaalidu waxay tiraahdaa meesha aad nin ka qaadayso nin loogama tago. Sharcigii u fasaxay dadka ila midka ah inay xaafadda ku milkiyaan ayaan anigana u heystaa booskayga. In iyaga loo oggolaado anigana la ii diido waxay farriin qaldan oo eex iyo gaboodfal ku dhisan ka gudbinaysa magaca iyo sumcadda dowladnimada iyo garsoorka dalka.

Mudane Guddoomiye, Waxaan u baahanahay codkaada, iyo inaad garabkayga soo buuxiso. Dadaal, waqti iyo lacag intii aan ku bixiyay raadshada iyo helidda xuquuqda iiga maqan cadaalad-darrada la igu sameeyey, qiyaas malahan.

7 bilood kadib, waxaan ka daalay xubin walba oo jirkayga kamid ah – maskaxda ilaa mijaha. Maantana waxaan kelinimayda ugu soo dhabar-adeygay waqtiyo kala daran oo quusashadu  ahayd doorashada kaliya ee ii furan. Isma dhiibin weli. Waxaase aan dhab ahaan u ogaaday inaanu sii dhiirran Karin qof aan garab wax lagula dhiseynin.

Mudane Guddoomiye, waxaan ahay muwaadin canshuur bixiye ah, ku kalsoonow dowladnimada kuna hanweyn inuu heli doono cadaalad.

Mudane Guddoomiye, mar labaad waxaan rabaa inaad ogaato in lahaanshiyaha dhulkaygu uu ka dheer yahay mugdi iyo isqabqabsi. Waa caadyaal qof kasta oo aragtay ay ku qanacday. Waana wax sharci ah oo xaafadda dhan lagu wada degan yahay. Mana aqaan waxa kayga ka dhigaya in sharci-darro loogu soo dhuunto marna la igu yiraahdo isaga tanaasul gebi ahaanba.

Mudane Gudoomiye, nin hadduu ku dilo ninna kaagama shisheeyo, kii kuu soo gurmadaana ninna kaagama sokeeyo. Cadaaladduna waa xariga kaliya ee isku soo dhaweyn kara muwaadinka iyo madaxda. Maanta waa maalintaadii waxaana kaa dhowrayaa inaan ii cadaalad sameyso.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!