crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wararka | HimiloNetwork | Page 4

Wararka

Haweeney ilmaheedu ku caasiyeen oo hantideeda ku saxiixaysa eeyaha iyo bisadaha la nool.

MUQDISHO (HN) — Haweeney da’ ah oo u dhalatay Shiinaha ayaa adduun gaaraya 20 million yuan ($2.8 million) waxay ku saxiixday xayawaannada gurigeeda ku nool si ay dhimashadeeda kaddib u dhaxlaan – iyada oo qadisay gebi ahaanba ilmaheeda oo nool maadaama intii ay nooleyd ay dhinaceeda ka weysay oo aysan soo booqan jirin ama siin jirin wehelkii ay uga baahned. Sidaas ...

Read More »

La kulan – Qoyska doortay inay noloshooda ku dhex qaataan hoteel five star ah!

MUQDISHO (HN) — Qoys Shiinees ah ayaa hadalheyn weyn ka dhex abuuray baraha lagu xiriiro ee dalkaas kaddib markii ay doorteen inay noloshooda caadiga ah ku dhex qaataan hoteellada casriga ah – iyaga oo sida guryaha caadiga ah oo kale u kiraysanaya. Sababta ayay ku sheegeen inuu qiimo ahaan u jaban yahay – isla markaana uu leeyahay damaanad ha iga ...

Read More »

Shirkad xeelad foolxun u adeegsanaysa inay shaqaalaheeda ku kala dhinto ama erido!

MUQDISHO (HN) — Shirkad Shiinees ah oo ka shaqeysa suuq-geynta ayaa lagu eedeeyey inay xafiisyadeeda u rarayso meelo fogfog si shaqaalaheeda ku nool magaalooyinka ay ugu qasabto inay isaga tagaan ama inay siiso magdhow ama cawilcelin. Waa tallaab lagu sheegay mid kamid ah xeeladihii ama tabihii ugu qallafsanaa oo shirkad ku dhaqaaqdo si ay u cadaadiso shaqaalaheeda. Shirkaddan ku taalla ...

Read More »

Nin Dhuxusha iyo Dhagaxda ruuga

MUQDISHO (HN) — Ninkan wuxuu sida cunnada oo kale u cunaa dhuxusha, dhagaxyada iyo ciidda ama carrada. Wuuna cantuugaa isaga oo weliba ku raaxaysanaya. Muxuuse u cunaa? Miyaysan halis ku ahayn caafimaadkiisa? Dadkuna maxay ugu fiirsanayaan may ka celiyaan? Miyayse jirtaa cilmi baaris taageeri karta ficilkiisa? Mana ahan oo kaliya ninkan la yiraahdo Jaamac qofka aduunyada oo dhan ka cuna ...

Read More »

Aqoonyahanka PhD heysta ee Khudaarta iibiya!

MUQDISHO (HN) — Wax-barashada ayuu ka gaaray heerka tacliinta sare. Wuxuu heystaa afar jeer oo darajada Master-ka ah iyo hal PhD ah. Sidaas oo ay tahay haddana, wuxuu iibiyaa qudaarta si uu nolosha qoyskiisa ugu dabaro. Dr. Sandeep Singh, oo 39 jir ah, wuxuu 11 sano ka shaqeynayay jaamacadda Punjabi University qeybteeda Patiala. Laakiin wuxuu ku qasbanaaday inuu isaga tago shaqadiisa ...

Read More »

Haweeneyda ‘cuntada ka caagan’ muddo 50 sanno ah!

MUQDISHO (HN) — Haweeney 75 jir ah oo dalka Fiitnaam u dhalatay ayaa sheeganaysa inaysan wax cunto ah afkeeda gelinin muddo 50 sannadood ah oo ay kaliya ku nooleyd biyo ay cabto sida sharaabka casiirka ah. Ms. Bui Thi Loi, oo ku nool Loc Ninh – in kasta oo da’ ay tahay – haddana muuqaalkeedu aad buu u qurxoon yahay. ...

Read More »

Geedka Maxbuuska ku ah dalka Pakistan.

MUQDISHO (HN) — Geed maxbuuska ah ee ku yaalla Peshawar dalka Pakistan, wuxuu xiran yahay taniyo sannadkii 1899. Sarkaal Britain ah ayaa ku ciqaabay silsiladaha ku xiran sabab uu ku sheegay inuu ka sikaday halkii uu taagnaa. Sarkaalkaas wuu cabsanaa waxaana la oran jiray James Squid. Waxaana dhacdadaas kasoo wareegtay 125 sannadood. Maadama uu ka dhacsanaa, khamrada ayaa ka tustay ...

Read More »

Maqaayad loo furay dadka taban ama xanaaqa badan!

MUQDISHO (HN) — Dadka qalafsan ama taban waxaa aalaaba lagu eegaa fiiro sirgaxan, waxaana laga fishaa inay jawi aan nabdooneyn kaga falcelinayaan hab-la-dhaqankooda bulshada. Balse maqaayadda Mori Ouchi, oo ku taalla Tokyo waxay caan ku tahay inay marti-geliso dadka negative-ka ama tabanayaasha ah. Waa dadka aan saha ay joogaan iyo saadaasha soo aadan aan ka bixin sansaan qurxoon laakiin marwalba maanka ...

Read More »

Shimbiro – beddelkii eeyaha – ilaalo looga dhigayo xabsiyada Brazil.

MUQDISHO (HN) — Xabsi ku yaalla dalka Brazil ayaa – beddelkii eeyaha – wuxuu adeegsanaya haadda nuuca aad duuli karin ee digaagta la bahda ah. Laakiin halkii sida eeyaha ka eryan jireen ama ka qeylo dhaamin lahaayeen, waxay shimbirahani yeerinayaan ci’dii ama dhawaqii lagu yiqiin digaagadaha. Marwalba oo qof isku dayo inuu xabsiga ka baxsado, la-yaab malahan inay qeyliyaan. In ...

Read More »

Shirkad shaqaalaheeda lacag ku siinaysa inay socdaan!

MUQDISHO (HN) — Shirkad Shiinees ah ayaa si ay shaqaalaheeda ugu dhiirrigeliso socodka iyo luga-baxsiga waxay soo kordhinaysa hindise qofkii maalinle u socda uu helayo abaalgud lacageed. Guangdong Dongpo Paper, oo ah shirkad sameysa waraaqaha oo ku taalla gobalka Guangdong ayaa dhawaan qabsatay hadalheynta qaran ee dalkeeda kaddib markii ay soo kordhisay aragti loo bogay oo ah in shaqaaluhu socdo kadibna uu ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!