HomeWararkaGeedka Maxbuuska ku ah dalka Pakistan.

Geedka Maxbuuska ku ah dalka Pakistan.

MUQDISHO (HN) — Geed maxbuuska ah ee ku yaalla Peshawar dalka Pakistan, wuxuu xiran yahay taniyo sannadkii 1899. Sarkaal Britain ah ayaa ku ciqaabay silsiladaha ku xiran sabab uu ku sheegay inuu ka sikaday halkii uu taagnaa.

Sarkaalkaas wuu cabsanaa waxaana la oran jiray James Squid. Waxaana dhacdadaas kasoo wareegtay 125 sannadood. Maadama uu ka dhacsanaa, khamrada ayaa ka tustay in geedku doonayo inuu ka baxsado oo uu xadka ka tallaabayo.

Cidna iskuma dayin inay silsiladaha ka furto. Waxaana geedkani taniyo berigaas uu goob dalxiis u noqdo dadka deegaanka oo sannad walba qaabila.

“Waxaan ahay maxbuus – sarkaal cabsan oo British ah oo moodayay inaan baxsad ka ahay halka aan ku taagnaa ayaa igu xirxiray silsildahan. Taniyo markaasna waan jeebeysnahay.” — ayaa ku qoran loox saaran dushiisa.

Si kasta oo ay tahayba, Geedkan wuxuu hadda kamid noqday ilaha dhaqaaluhu kaga soo xeroodaan dadka Peshawar ku nool.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments