crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maqaayad loo furay dadka taban ama xanaaqa badan! | HimiloNetwork

Maqaayad loo furay dadka taban ama xanaaqa badan!

MUQDISHO (HN) — Dadka qalafsan ama taban waxaa aalaaba lagu eegaa fiiro sirgaxan, waxaana laga fishaa inay jawi aan nabdooneyn kaga falcelinayaan hab-la-dhaqankooda bulshada. Balse maqaayadda Mori Ouchi, oo ku taalla Tokyo waxay caan ku tahay inay marti-geliso dadka negative-ka ama tabanayaasha ah. Waa dadka aan saha ay joogaan iyo saadaasha soo aadan aan ka bixin sansaan qurxoon laakiin marwalba maanka ku haya ficillo iyo falcelinno aan togneyn.

Mulkiilaha maqaayaddan waxay aragtidan ku dhalatay 10 sanno kahor balse wuxuu fursad ka dhex arkay markii uu xanuunka Covid-19 uu dunida ku baahay. Wuxuu dareemay in dadka taban aan la fadhigooda iyo sheekaysigooda la jecleyn in badan oo laga fogaado. Sidaas darteed, wuxuu u sameeyey madal iyo meel u gaar ah oo ay ku kulmaan.

“Dadku kuwa togan waxay siiyaan fiiro qurxoon, waxayna dhugmo tuhmo leh ku eegaan dadka taban,” ayuu u sheegay SoraNews mulkiilaha. “Waana muhiim inay helaan meel ay ku kala war bogtaan.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!