crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shirkad shaqaalaheeda lacag ku siinaysa inay socdaan! | HimiloNetwork

Shirkad shaqaalaheeda lacag ku siinaysa inay socdaan!

MUQDISHO (HN) — Shirkad Shiinees ah ayaa si ay shaqaalaheeda ugu dhiirrigeliso socodka iyo luga-baxsiga waxay soo kordhinaysa hindise qofkii maalinle u socda uu helayo abaalgud lacageed.

Guangdong Dongpo Paper, oo ah shirkad sameysa waraaqaha oo ku taalla gobalka Guangdong ayaa dhawaan qabsatay hadalheynta qaran ee dalkeeda kaddib markii ay soo kordhisay aragti loo bogay oo ah in shaqaaluhu socdo kadibna uu abaalmarin ku helo. Si ay tiri shirkaddu, sare loogu qaado heerka caafimaad ee shaqaalaha, waxaan muhiim u aragnay inaan soo kordhinno hindisahan oo aan filayno inuu wax badan ka beddeli doono moralkooda.

Maskax fiyow oo firfircoon waxay ku jirtaa jir caafimaad qaba. Waxaa loo kala abaalgud badnaan doonaa hadba sida qofku u socdo. Tusaale, qofku haddii uu bisha dhan socdo 100km oo ah midda ugu badan celceliska bartilmaameedkooda, wuxuu noqonayaa qofka ugu sarreeya. Wixii ka hooseeya sida 50km iyo wixii la halmaala waxay iyaguna heli doonaan mudnaan gooni ah.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!