crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Arday macalimiintooda ku dacweynaya dowladda maadaama… | HimiloNetwork

Arday macalimiintooda ku dacweynaya dowladda maadaama…

MUQDISHO (HN) — Arday u dhalatay Koofur Kuuriya ayaa dacwad ka gudbinaya macalimiintooda maadaama ay hakiyeen gebi ahaanba imtixaankii ay u fadhiyeen oo aan waqtigiisaba la gaarin ama muddadii loogu tala-galay kahor. Wuxuu ahaa imtixaan kama dambeys ah oo noloshooda kaalin weyn ka geli karay ama qaabeynayay masiirkooda dambe.

Imtixaannada aqbalaadda ee afka Kuuriya lagu yiraahdo Suneung waa kuwa adag oo waqti dheerna loo fadhiyo. Mana go’aamiyaan natiijooyinka lagu helo hadba iskuulka usoo baxay oo uu ardaygu aadayo. Waxay sidoo kale qaabeeyaan qofka shaqada uu heli doono mustaqbalka iyo nuuca xiriir nololeed oo uu lammaane la sameysan doono. La-yaabna malahan in ardaydan iyo waalidiintoodu ay dacwad adag ka gudbiyaan maamulka iyo macalimiinta.

Imtixaanka oo loo qabtay muddo 8 saacadood ah in loo fadhiyo – iyada oo laga reebayo xilliga nasiinada – waxay ardaydan ku doodeen in waqtigooda qeyb kamid ah oo ay u xisaabsanayeen inuu usii jiro wiishka lagu yeeriyay. Waxayna ka war heleen un iyada oo la leeyahay soo wareejiya waraaqaha.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!