crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimad xijaabkeeda ku badbaadisay nin gubanaya! | HimiloNetwork

Muslimad xijaabkeeda ku badbaadisay nin gubanaya!

Muqdisho – Haweeney Muslimad ah oo xijaabkeeda ku damisay nin ku gubtay shil gaari.
“Markii aan arkay qof gubanaya waxaan sameeyey wax walba wixii iigu mudnaa,” ayay u sheegtay awaher Saif Al Kumaiti, wargeyska Khaliij Times.
“Waxaan ka codsaday saaxiibtay oo gaariga ila saarnayd inay i siiso cabaayadeeda – iyadana ay gaariga kusii jirto.”
Al Kumaiti waxay u soctay isbitaalka markii ay la kulantay laba gaadiid oo gubanaya iyo qof kaalmo weydiisanaya.
Mid kamid ah darwallada Harkirit Singh ayaa ka baxsaday shilka – hayeeshe waxaa qabsaday dabka.
“Durba waan ku cararay dhibanha waxaana ku damiyay cabaayadda saaxiibtay,” ayay tiri.
Sheekada 22-jirta oo ku baahday baraha bulshada waxaa aad u bogaadiyay booliska.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!