crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Caruus webi kasoo badbaadiyay wiil ku dhacay | HimiloNetwork

Caruus webi kasoo badbaadiyay wiil ku dhacay

Kanada (Himilonetwork) – Caruus ayaa lagu amaanay geesinimo markii u wiil yar oo webi ku dhacay uu soo badbaadiyay.
Lamaanayaasha Clayton “Clay” iyo Brittany Cook oo u dhashay Kanada waxay dhammeysteen is dhaafsiga faraantiga, waxayna isku diyaarinayeen inay sawirro xusuus wada-galaan.
Sawir-qaadahooda Darren Hatt, wuxuu soo jeediyay inay daanta webiga isku sawiraan. Markii ay sawir-qaadista bilaabeen, Brittany waxay aragtay seygeeda oo webiga isku tuuray kahor inta uusan cunug yar kasoo saarin.
Hatt wuxuu isla markiiba qaaday sawirrada lammaanaha oo wada qoyan oo webiga kasoo baxaya. Cunuga ayaa isna la arkayay isaga oo qoyanaan kala tagaya goobta.
Marka loo eego Clay, wejiga wiilka waxaa qariyay biyo markii uu kasoo saarayay webiga. In yar kadib walaashiis ayaa goobta ka waday.
Brittany waxay sheegtay in ficilka geesinimada leh ee seygeeda uusan la yaab ku ahayn – waayo waa astaan ay ku taqiin oo shaqsiyaddiisa tilmaamaysa.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!