crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Weriye – si uu usoo gudbiyo xaalad adag – Naftiisa halis u geliyay. | HimiloNetwork

Weriye – si uu usoo gudbiyo xaalad adag – Naftiisa halis u geliyay.

MUQDISHO (HN) — Azadar Hussein, oo ah wariye u dhashay dalka Pakistan ayaa qabsaday baraha bulshada kaddib markii uu kasoo dhex muuqday muuqaal oo toos uga soo dhex warramayo fatahaado ka dhashay degmadiisa.


Si uu u muujiyo halista ay la nool yihiin dadka Kot Chatta, Hussein wuxuu go’aansaday inuu biyaha dhexdooda kasoo tebiyo dhibaatada fatahaaddu ku geysatay gobalka. Waxaana kaliya la arkayay madaxiisa iyo codbaahiyaha – halka jirka intiisa kale ay ku dhex jireen biyaha.

“Dadka degaanku waxay inoo sheegeen in dowladda hoose aanay qaadin wax tallaab ah, biyuhuna ay hadda kusii fatahayaan degmada inteeda kale,” ayuu yiri. “Waxay madaxda dalka sida RW Imran Khan ka codsanayaan inuu si degdeg ah uga fal-celiyo dhibaatada taagan.”

Muuqaalka sheekadiisa oo ku baahday baraha bulshada ayaa la timid aragtiyo kala duwan oo laga dhiibtay. Halka in badan ay bogaadiyeen nafhurnimadiisa, qaar kale ayaa su’aal ka keenay inuu fiyow yahay iyo in kale maadaama jacda biriqda iyo hirarka culus ee fatahaadda ay galaafteen nolosha dad badan.

Si kastaba, halis ama halis la’aan, Hussein wuxuu hal-adeygnimadiisa ku mutay amaan maadaama uu qatarta ugu bareeray si uu usoo gudbiyo xaaladda bani’aadnimo ee heysata dadkiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!