crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Mexico – Marka Maayarku uusan gudan Waajibaadka loo igmado. | HimiloNetwork

Mexico – Marka Maayarku uusan gudan Waajibaadka loo igmado.

MUQDISHO (HN) — Siyaasiyiintu waxay sameeyaan balamo si ay u helaan codad loogu shubo xilliga doorashada. Waxaase codbixiyaasha ku adkaata inay helaan madal ballamaha laga qaado loogu oofiyo. Hayeeshe, dadka degan magaalo yar oo ku taalla Mexico ayaa go’aansaday inay cashar lama ilaawaan ah u dhigaan maayarkooda uga baxay ballamo uu la galay xilligii doorashada – iyaga oo u xiray dharka haween ku xirtaan muddo afar maalmood ah kuna soo wareejiyay daafaha magaalada.


Javier Sebastián Jiménez Santiz, wuxuu ku guuleystay maayarnimada Huixtan isaga oo balan ku qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatada biyaha ee ka jirta degmada. Wuxuuse ku guul-darreystay inuu gaaro filashadii laga lahaa. Bishii hore, kaddib ka daalista balamaha iyo cudurdaarashada beenta ah, dadka degaanka ayaa ugu dhex tagay xafiiskiisa, waxayna kala soo baxeen isaga oo loo xiray dharka haweenka. Santiz ayaa loo xiray goonno madow iyo canbuur guduudan. Waxaana lala dhinac xiray madaxa golaha degaanka ee magaalada.

In kasta oo labada sarkaal si bahdilaad leh loogu xiray maryaha dumarka, haddana waxaa loogu daray inay jidadka ka dawarsadaan lacagihii ay ku balan-qaadeen inay ku fulin doonaan mashruuca.

Waraysi lala yeeshay maayarka, ayuu isaga oo xishoonaya ku sheegay inuusan ka bixin balankii uu qaaday, balse dowladda hoose ay qoondada mashruuciisa ay u wareejisay mashaariic kale.

Dadka Huixtan ayaa is weydiinaya haddii uu jiro lunsi lacageed oo uu maayarku ku kacay, balse Santiz wuxuu sheegay inuu yahay dhibane.

Muuqaalka sawirada laga qaaday labadan sarkaal ayaa ku baahay baraha bulshada – halkaas oo aragtiyo u badan bogaadin iyo hambalyo ay ka bixiyeen dadkii daawaday.

Fadeexaysiga madaxda ayaa caan ka ah gudaha bartamaha iyo koofurta Laatiin America. Waxaana inta badan hoggaamiyaha ku fashilma inuu oofiyo balamaha uu kusoo galo doorashada uu la kulmaa cirib xun.

Hayeeshe haweenka magaalada ayaa tani ku tilmaamay sharaf dhac loo geystay dumarnimada maadama dharkoodii loo adeegsaday in lagu karaamo dilo maayarka.



error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!