DELHI (HN) — Haweeney Hindiya ayaa qabsatay wararka ugu waaweyn kaddib markii ay furriin ka dalbatay seygeeda aan u helin waqti uu kula haasaawo maadaama uu intiisa ugu badan ku mashquulay diyaarinta imtixaanka qaranka.
Haweeneydan oo kasoo jeeda Bhopal ayaa dooddeeda ku sheegtay in seygeeda uusan la qaadan waqti ku filan. Haddii taasi loo arki karo mid iska caadi ah, xittaa waa u heli waayay waqti uu kula hadlo. Waxay tilmaantay in seygeeda uu aad ugu mashquulsan tahay diyaarinta iyo cilmi-baarista imtixaanka kusoo fool leh. Mana awoodo inuu marmar lasoo casheeyo ama xitaa uu qoyskiisa soo booqdo. Waana midda ugu danbeyntii ku kaliftay inay dalbato furriinka.
Si la isku dheelli-tiro doodda labada dhinac, ninkan ayaa qirtay inaysan jirin wax been ah oo ay afadiisa ka sheegtay. Balse wuxuu ku adkeystay in waqtiga badan ee kaga baxaya diyaarinta imtixaankiisa ay tahay mid uu ku doonayo inuu noloshiisa ku horumariyo. Sidaas darteedna aysan ka aheyn mid uu ku xumeynayo afadiisa.
Maxkamadda ayaa, haddaba, labada lammaane weydiisatay inay wada qaataan waqti ay wada hadli karaan si ay dib ugu tix-geliyaan go’aanka hadda ka yaalla maxkamadda.
Mana cadda haddii furiinka ay dalbatay afadani uu noqon doono mid u meel mara.
You must log in to post a comment.