crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shaqaale ciqaab looga dhigay inay cunaan kalluun nool…. | HimiloNetwork

Shaqaale ciqaab looga dhigay inay cunaan kalluun nool….

MUQDISHO (HN) — Shirkad gediska ganacsiga ku gaarowday oo ku taalla Guizhou, ayaa la kulantay fadeexad kaddib markii ay shaqaalaheeda ku amartay cunaan kalluun nool; iyo inay cabaan dhiiga digaaga, maadaama heerkii shirkadda ay u baahneyd aanay uga soo bixin shaqadooda.


Muuqaalka shaqaalaha oo si qasab ah ku liqaya kalluun kuna cabaya dhiig digaag ayaa ku baahay baraha bulshada taas oo la timid fal-celin u badan canaan iyo dhaliil loo jeediyay shirkadda.

Wakiil u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dhacdadan ay qeyb ka ahaayeen ku dhawaad 20 shaqaale ah kuwaas oo kasoo bixi wayay gudashada waajibaadkii shirkaddu u igmatay.

Tallaabada ciqaabta ah ayuu ku tilmaamay mid mustaqbalka ku dhiirri-gelinaysa shaqaalaha inay si fiican oo howlkarnimo leh uga soo baxaan mas’uuliyadooda.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!