MUQDISHO (HN) — Isaga oo ku dhex jira gaariga dadka naafada ah, Mowliid Duqow wuxuu xafladdii qalin-beddelashada ee Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya kala soo dhinac muuqday boqollaal arday ah.
Waana riyo ugu danbeyntii u rumowday.
Hayeeshe, tani waa natiijada halgan adag iyo sannado badan oo uu kaga soo gudbay si uu u xaqiijiyo yoolkiisa.
“Waligayba waxaan jecleysan jiray inaan asaagay uga horumaro aqoonta, maadaama uusan lixaadkaygu dhammeystirneyn,” ayuu yiri.
25 sanno kahor markii uu ku dhashay degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, Mowliid wuxuu ahaa qof lixaadkiisa wada qaba. Balse in yar kaddib waxaa ku dhacay cudurka Neerfaha kaas oo u diiday inuu sare joogsado. Taniyo markaas wuxuu kaashi ka dhigtay gaariga naafada lagu wado.
Doorashada kulliyadda uu ka qalib-jebiyay oo ah Maamulka Guud, waa hidde-side dhaxaltooyo oo uu kaga dayday aabihii oo sida uu sheegay ahaa nabaddoon garta iyo guddoonka looga danbeeyo.
“Waxaan marka jecleystay inaan buuxiyo kaalintii aabahay si aan qeyb uga noqdo xalinta khilaafaadka iyo maamulka,” ayuu yiri isaga oo si kalsooni leh uga sheekeysanaya waaya’aragnimadii uu ka dhaxlay nolosha aabihiis.
Balse inuu arday noqdo ma ahan marwalba fikrad uu aaminsanaa inay suura-gali karto. Hayeeshe, waa qalqaalada iyo dhiirri-gelinta walaaladiis midda ka dhigtay inuu ugu danbeyntii u dabaal-dego guul taariikhi ah oo noloshiisa wax ka beddelaysa.
“Dib markaan u fiiriyo siduu ahaa bilowgii safarkayga, iyo heerka maanta aan joogo waxaa igu adkaata inaan rumeysto naftayda,” ayuu yiri. “Waayo hankie igu jiray ayaa marwalba ii ahaa mashiin i dhaqaajiya.”
Mowliid wuxuu kamid noqday tiro arday naafo ah oo sannadihii aad uga soo dhex muuqday baraha bulshada markii la gaaray xafladdii qalin-jebintooda.
Sannad kahor, Saciid Raage oo si lamid Mowliid naafo ahaa ayaa qabsaday wararka ugu waaweyn warbaahinta kaddib markii uusan kaliya ka qalin-jebin Jaamacadda, balse uu kaalinta koowaad ka galay kulliyaddii uu dhiganayay.
Hadda oo uu marqaatigiisa koowaad ku gaaray juhdi iyo nafhurnimo xad-dhaaf ah, Duqow uma muuqdo mid meel dhow ku joojinaya safarka wax-barashadiisa. Hankiisuna ma ahan mid hooseeya.
“Waxaan rabaa inaan noqdo siyaasi bulshadiisa wax kusoo kordhiya iyo aqoon-yahan umaddiisa anfaca,” ayuu yiri. “Haddii aad qabto kalsooni buuxda, waad gaari kartaa himilooyinkaada.”
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
You must log in to post a comment.