MUQDISHO (HN) — Haweeney 75 jir ah oo dalka Fiitnaam u dhalatay ayaa sheeganaysa inaysan wax cunto ah afkeeda gelinin muddo 50 sannadood ah oo ay kaliya ku nooleyd biyo ay cabto sida sharaabka casiirka ah.
Ms. Bui Thi Loi, oo ku nool Loc Ninh – in kasta oo da’ ay tahay – haddana muuqaalkeedu aad buu u qurxoon yahay. Waana waxa dad badan ka yaabiyay! Waxay sheeganaysaa inaysan afkeeda gelin cunto oo dhan balse ay biyo macaan ku samata-baxday muddo nus qarni ah. Sannadkii 1963 ayay sida ay tiri bilowday inay biyo un cabto.
Iyada iyo saaxiibadeed oo ku jira howlgal gurmad u fidin ah oo loo sameynayay askar dhaawacan ayaa waxaa ku dhacay gugac. Way miir-daboolantay muddo badan wayse badbaaday. Balse xaaladeedu marnaba siima noqon sidii ay hore usii ahaan jirtay. Maalmo badan waxba ma aysan cunin. Saaxiibadeed ayaa markaas kaddib bilaabay inay ku qulaamiyaan biyo macaan si ay ugu noolaato!
In yar kaddib dhacdadaas, way sii wadday inay sidii hore wax u cunto gaar ahaan khudaarta waayo waxaa ku cadaadin jiray xigtada iyo saaxiibada – iyaduse gaajo uma heyn. Sannadkii 1970 ayay, si kastaba, toos uga caaganaatay raashiinka oo dhan. Maanta firinjiyeerkeeda waxaa kaliya loogu tagayaa caagado biyo ah oo kala duwan.
Waqtigii ay nuujinta ku jirtay, maadaama aysan cunno nafaqo leh cuneynin, waxay haweenka kale weydiisan jirtay inay caano u siiyaan ilmaheeda.
Sheekada Ms. Bui Thi Loi’s ayaa ku baahday dalka Fiitnaam oo dhan maadaama sheekadeedu ay mar la’arag ka tahay gudaha dalkaas.
You must log in to post a comment.