MUQDISHO (HN) — Ramadaankii dhammaaday wuxuu maalmo adag u ahaa Muslimiinta Falastiin oo iyaga oo ku dhex cibaadanaysaaya gudaha Masjidka al-Aqsa tobanka dambe ee bisha lagu bilaabay dagaal iyo rabshado ka dhan ah oo lagu carqaladeynayo gudashada iyo badinta salaadaha inta lagu jiro bisha Sooqaad. Biyo kulul, gaaska sunta ah ee dadka ka ilmeysiiya iyo xoogag ku hubeysan hubka nuucyadiisa ...
Read More »Wararka
Maalinta Caalamiga ah ee Xanuunka Isku-furanka.
MUQDISHO (HN) — Xanuunka Isku-furanka ama Obstetric Fistula waa mid kamid ah dhaawacyada ugu daran ee soo gaara haweeneyda waqtiga dhalmada. Dalool yar oo u dhaxaysa kaadi-heysta iyo xubinta ay ilmuhu kasoo baxaan ayaana lagu gartaa. Waana 23 May maalinta loo asteeyey si loogu baraarugo. Waxaa sababa foosha oo ku dheeraata gabadha iyo la’aanta kaalmo caafimaad oo dedgeg ah oo ...
Read More »Maalinta Caalamiga ee Shaaha.
MUQDISHO (HN) — Dunidu waxay maanta oo ah 21 May u dabaal-degaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Shaaha. Halka badi waddamo badan sida Hindiya ay la-daala-dhacayaan xakameynta wejiga labaad ee xanuunka soo laba-kacleeyey ee Covid-19, Cabidda Shaaha wuxuu safka hore wali kaga jiraa diirsanayaasha jirka qofka siiya firfircooni iyo joogsanaan xilliyada adag ee ku abuura buuq iyo daal badan. Qarniyo badan, ...
Read More »Somaaliya iyo Saxaafadeeda tebisa Dunida Colaadaha iyo Rejo-xumida.
MUQDISHO (HN) — Saxaafadda Somaaliya waxay taniyo markii Kacaanka warbaahinta uu ka curtay geyiga Somaalida ay kaalin mug leh ka qaadatay tebinta iyo baahinta wararka la xiriira dhacdooyinka maalinlaha ah sida siysaadda, amniga iyo cayaaraha. Waxaa inta badan soo raaci kara qaarkood madadaalada, fanka iyo diinta ku gaar noqda baahintooda. Laakiin, waxaa aad lama-helaan ama dhif u ah saxaafadda si ...
Read More »Ciidsiinta Carruurta Agoonta iyo Rajayda.
MUQDISHO (HN) — Gudaha Suuqyada caasimadda oo aad aalaaba ku dhex arki karto waalid iyo ilmihiisa oo ka dukaamaysanaya, jaalayaasha idin muuqda waxay dhinacooda uga jiraan gorgortanka. Laaakiin, halkan uma joogaan inay carruur ay dhaleen u iibiyaan dhar iyo kabo. Waxay galbinayaan abaydin gabdho iyo wiilal isugu jira oo labadii waalid ee dhalay aanu midkood u nooleyn oo agooo iyo ...
Read More »Ciidda: Carruurta iyo Qoryaha lagu Dagaallamo.
MUQDISHO (HN) — Abdi Maxumud Aadan wuxuu subax walba usoo shaqo tagaa ka ganacsiga walxaha ay carruurtu ku ciyaarto oo ay kamid yihiin qoryaha. Waana markii uu arkay sida ubadka Somaaliyeed ay ugu go’ayaan ku ciyaarista agabyada ka sameysan hubka macmalka ah goortii uu bilaabay inuu ka ganacsado. “Wallaahi ma ujeedo doorasho aan ka ahayn inaan carruurta Somaaliyeed wax farxad ...
Read More »Shacabka Muqdisho – Dhibanaha Dhiilloon.
MUQDISHO (HN) — Ku dhawaad 30 sanno oo kasoo wareeganaysa burburkii dalka, hurgumadii laga dhaxlay waxaa looga bogsanayaa si tartiib tartiib ah. Taariikh-werinta iyo xusuusuhu waa labada raad oo umadda ay kaga foojigan tahay inaysan lumin iftiinka yar ee u baxaya. Is-beddelka nololeed ee ka jira waddanka wuxuu la imaanaya is-dhexgal iyo wada noolaansho bulsho oo dib usoo nqoneysa. Waxaa ...
Read More »Biyaha Fadhiya Laamiyada Caasimadda.
MUQDISHO (HN) — Bartamaha Laaamiga ugu ballaca weyn laamiyada caasimadda iyo laba-isgoys oo caan ah dhexdooda waxaa fadhiya biyo aad u badan oo uga soo daatay labadiisa dhinac. Tanina waa wejiga ay leedahay caasimadda Somaaliya marwalba oo roobabku ka curtaan. kanina waa muuqaal caadyaal ah oo iftiiminaya sida xil iska saarid la’aanta ah ee bulshada Xamar loogu eegto dhibta iyo ...
Read More »Maktabadda LABADA Dameer.
MUQDISHO (HN) — Macalin iyo labadiisa dameer oo ay ugu raran yihiin tiro buugaag ah ayaa ku jira howlgal uu ku quudiyo maskaxda carruurta bulshooyinka yaryar ee ku nool Colombia. Luis Soriano wuxuu rajeynaya in ficilkiisani uu qeyb weyn ka qaadan doono nabad lagu soo dabaalo dalkiisa. Taniyo sannadkii 1930-kii, rabshaduhu waxay ahaayeen astaan lala xiriiriyo nolosha Colombian-ka. Sannadkii 1948-kii ...
Read More »Soonku waa Samafal iyo Sahayda oo la badsado!
MUQDISHO (HN) — Bisha Ramadaan waa bil bilaha kale oo dhan uga duwan is-beddelka ay la timaado taas oo ay ugu weyn tahay ka soomidda cunnada iyo cabitaanka iyo aqriska Qur’anka iyo badinta acmaasha wanaagsan oo dhan. Dad badan waxay doorbidaan inay in yar ka shaqeeyaan; in bandanna ka nastaan si ay uga gaashaantaan oonka iyo harraadka maalinkii oo dhan. ...
Read More »