crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Biyaha Fadhiya Laamiyada Caasimadda. | HimiloNetwork

Biyaha Fadhiya Laamiyada Caasimadda.

MUQDISHO (HN) — Bartamaha Laaamiga ugu ballaca weyn laamiyada caasimadda iyo laba-isgoys oo caan ah dhexdooda waxaa fadhiya biyo aad u badan oo uga soo daatay labadiisa dhinac.

Tanina waa wejiga ay leedahay caasimadda Somaaliya marwalba oo roobabku ka curtaan. kanina waa muuqaal caadyaal ah oo iftiiminaya sida xil iska saarid la’aanta ah ee bulshada Xamar loogu eegto dhibta iyo rafaadka ay kala kulmaan xilliyada qaboobaha.

Waxaa loogu yeeraa webiyada mahiigaanka ah madaama ay ku dhashaan curashada roobabka badan ee ka da’a magaalada Xamar.

Dadweynaha ayaa si kastaba, aqbalaya xaalad qaraar inay ku dul shaqeeyaan. Waxaa gaadiidka dadweynaha ay adeegsanayaan dhinacyada laamiga si ay uga leexdaan tanka xad-dhaafka ee biyaha fadhiya halkan ay ku keeni karaan baabuurtooda haddii ay ku dhiirradaan inay maraan.

Ciriirigu wuxuu sdioo kale noqonayaa lama huraan kol haddii waddooyin yaryar ay iskugu yimaadaan gaadiidkii awalba ku dhibanaa isla adeegsiga laamiyada.

Laakiin gaadiidka walba ma ahan mid ka caagan dhex jibaaxidda biyaha jiifa laamiga sida kuwa yaryarka ah.

Gawaarida waaweyn ee xamuulka qaada oo aan heli karin doorasho aan ka ahayn inay maraan waxay sida caadiga ah kusoo galaan hubanti la’aan. qaar badan ayaase dhacda inay nabadgalyo ku gudbaan. Halka in kale ay ku dhex damaan. Gaariga idin muuqda waxaa lagu soo xiray mid kale si looga saaro biyaha. Hayeeshe, marwalba oo mid laga saaraba, waxaa soo gala mid kale oo awoodi waayay inuu sahal ku dhaafo. kuwa kalana waxaa ku adkaata inay kusii socdaan iyaga oo u weecda dhinaca xaafadaha si ay uga soo barmuudeeyaan.

Inta u dhaxaysa Baar Ubax iyo BlackSea gaar ahaan Daallo iyo agagaarkeeda roobabkii ka da’ay kaliya ma aysan saameynin isku socodka gaadiidka. Waxaa sidoo kale hakad ballaaran ugu jira ganacsi badan oo ka dhinac furnaa kusoo jeedka laamiga kuwaas oo gebi ahaantoodaba is xiray. Cabsida heysata ma ahan maalin iyo maalmo inta ay hakadkaas ugu jiri doonaan biyaha ag fadhiya. Waa hubaal la’aan ka heysata haddii xilli roobaadka oo dhan ay ku dhameysan doonaan shaqo la’aan madaama aalaaba gurmad yar oo isna gadaal ka yimaada ay ka helaan maamullada ku shaqada leh.

Waqti ay ahayd in caasimaddu u diyaargarowdo maalmaha farxada iyo damaashaadka ee Ciidda, muqaalkani ma ahan midkii qofi jeclaan lahaa inu ku dhex dabaaldego. waxaana qeyb ahaan ay muujinaysaa mas’uuliyad darro qaran iyo mid gobal.

Boorarka lagu xardhay dharka carruurta ay ku ciidaan mooyaane, dhaqdhaqaaq kale oo muuqda halkan kama jiro. Way adag tahay in lagu dhex socdo. Kasokow, cabsida ah inay walxo halis ah oo ay biyaha soo raacay ku dhex jiri karaan, dhiiqada iyo qoyaanka ciidda jilicday awgeed waxay qofkii ku dhiirada ku keeni kartaa inuu kasoo bixi waayo.

Waa maxay shaqada kale oo ka muhiimsan in shacabka loo damaanadqaado isku socod sahlan iyo jidad nadiif ah haddii aanba mudnaan la siin karin ka dhuuqista biyaha fadhiista laamiga xilliyadan oo kale?

Maamulka degmada Howlwadag iyo midka Gobolka intuba waxaa la gudboon inay si dedeg ah uga falceliyaan dhibaatada soo korortay ee ka taagan jidka dheer ee Soddonka.

Goor walba oo musiibooyinka middan lamid ah ay ka dhashaan caasimadda, waxay taariikh iyo diiwaan xun u abuuraysaa maamulka jira madaama aanu xal loo aayi karo kala hortagin dhibaatoyinka kusoo rakaadmaya nolosha shacabka Muqdisho.

Waxa dhigay Kigali caasimadda nadaafadda iyo quruxda AFRIKA kana yeelay Muqdisho xarunta wasaqda iyo il-darrida waa un hoggaamiyaasha labada magaalo.

La kala dheeree orodse maahan!

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Zakariya@himilonetwork.com or hiraal86@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!