crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Shacabka Muqdisho – Dhibanaha Dhiilloon. | HimiloNetwork
Ambulances and security forces gather on the street outside the Afrik hotel in the capital Mogadishu, Somalia Sunday, Jan. 31, 2021. The hotel in Somalia's capital has been hit by an explosion and an attack by gunmen, according to police. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

Shacabka Muqdisho – Dhibanaha Dhiilloon.

MUQDISHO (HN) — Ku dhawaad 30 sanno oo kasoo wareeganaysa burburkii dalka, hurgumadii laga dhaxlay waxaa looga bogsanayaa si tartiib tartiib ah. Taariikh-werinta iyo xusuusuhu waa labada raad oo umadda ay kaga foojigan tahay inaysan lumin iftiinka yar ee u baxaya.

Is-beddelka nololeed ee ka jira waddanka wuxuu la imaanaya is-dhexgal iyo wada noolaansho bulsho oo dib usoo nqoneysa. Waxaa jira yididiilo iyo saadaal ayaan wacan oo shacabka Somaaliyeed ay ka qabaan mustaqbalka: oo ah inay helaan dowlad caadil ah oo aan eex iyo takri-fal umadeed ku kicin taas oo bulshada isku heyn karta.

Marka aad tahay qofka kamida ah bulshada caasimadda Muqdishana kumaba soo jirtid. Waayo eelkii iyo wixii gaboodfal dalkeenna ka dhacay waxaa gaar ugu wax-yeeloobay dadka iyo degaan ahaanba shacabka ku abtirsada Muqdisho.

Qalaalaasihii dhacay maalmihii dhawaa kaas oo hub urursi iyo dhiilo colaadeed ka dhex abuuray caasimadda, wuxuu shaki geliyay degaanshiyaha iyo xasiloonida muraayaddii dalka oo mar labaad oo mugdi geli gaaray bedqabkeeda.

Dadka ku nool Xamar oo sida aan horayba u sheegnay tiiraanyada iyo tabaalihii adkaa ee waddanku soo maray ay kasoo gaartay xanuunka ugu daran, waxay u nugul yihiin wax walba oo kicin iyo xasarad u horseedaya. Waana mid ay ka nabdoonaayeen gu’yaalihii tagay oo aysan dhicin in isku dhac qabiilaysan iyo mid dowladaysanba aanu ka dhicin.

Nidaamka maanta jira oo curashadiisa aad ay umadda Somaaliyeed ugu hanweynaayeen, waa isla Xamar meeshii ugu ballaarneyd oo sida weyn looga dareemay garab istaagga 8 February.

Maanta, madaxweynaha talada haya waxaa u furan: in mar walba oo uu deymada ku eego dalka uu laba jeer oo kale ku celiyo dadka ku dhaqan caasimadda kuwaas oo abaal weyn gashaday bilowgii nidaamkiisa oo ay iska diideyn inay lumiyaan rejadii dowladnimada una arkayeen samata-bixiye ka saari kara wadciga ay ku jiraan.

Haddii aanay ugu yaraan dhici karin in habka qori-isku-dhiibka siyaasiga ahi uu kusoo celiyo sidii loogu wakiishay, waa inuu jeer walba ogsoonaadaa inaanu ku gorgortamin nabadda yar oo ay heystaan kana joogsado tallaabooyinka u muuqanaya inay soo kicinayaan caadifadaha qabyaaladeysan.

Waxaa la gudboon in hoggaanka ugu sarreeya waddanka ay miisaan dhab ah saaraan waxa ay magaaladani u tahay kahor intaan la gaarin astaanteeda qarannimo. Taasina waa in lagu hubsadaa in wax walba oo halkan ka halaaba ay ka wada halaabayaan dalka intiisa. Sidaas awgeedna ay qasab tahay inaan xoog lagu muquunin dadkeeda oo aan lagu abuurin tuhun aysan isku ogeyn.

Inta ay nabadi jirtaa; ninba laba nin la eg yahay, nabadduna ma ahan maqnaanshaha colaadda oo kaliya. Waa heliwaaga cadaalad iyo sinnaan oo lagu maamuli waayo umadda Somaaliyeed oo dhan. Shacabka Muqdishana waa inay helaan abaal u dhigma inta ay dowladnimada gashadeen oo aan la xagal-daacin qeybta ay ku leeyihiin jiritaanka umadnimo iyo xaqa nolosha iyo nabadda.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!