crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ciidda: Carruurta iyo Qoryaha lagu Dagaallamo. | HimiloNetwork

Ciidda: Carruurta iyo Qoryaha lagu Dagaallamo.

MUQDISHO (HN) — Abdi Maxumud Aadan wuxuu subax walba usoo shaqo tagaa ka ganacsiga walxaha ay carruurtu ku ciyaarto oo ay kamid yihiin qoryaha. Waana markii uu arkay sida ubadka Somaaliyeed ay ugu go’ayaan ku ciyaarista agabyada ka sameysan hubka macmalka ah goortii uu bilaabay inuu ka ganacsado.

“Wallaahi ma ujeedo doorasho aan ka ahayn inaan carruurta Somaaliyeed wax farxad gelinaya; anigana faa’iido ii ah aan ku shaqeysto,” ayuu yiri isaga oo saf u dhigaya alaabta u saaran miiska.

“Waxay u badan tahay inaadan wax kale ka helin haddii aad qalabyada kale oo aan ahayn kuwa dagaalka aad keento, waayo carruurta ayaaba waalidkoodu ku cadaadinaysa inay u iibiyaan.”

Waxaana waalidiintaas uu sheegay inay kari waayeen inay u diidaan carruurta qoryaha macmalka ah kamid ah Umu Qeyr Aways Jelyani oo laba kamid ah carruurteeda oo wiilal ah u iibinaysa hubka lagu dagaallamo — iyada oo xattaa u heli karta doorashooyin ka baxsan.

“Muhiim ma ahan waxa aad jeceshahay inay kula jeclaadaan; waa carruur. Waa maalintooda gaarka ah,” ayay tiri iyada oo sharraxaysa waxa ku qasbaya inay u iibiso.

Waana ay og tahay saameynta jir ahaaneed iyo midda maskaxeed oo ay ku reebi karaan maskaxada carruurta isticmaalka qoryaha iyo hubka macmalka ah.

“Dhawaaq walba oo kasoo baxa qoryahan wuxuu mid aan wanaagsaneyn u yahay qof walba siiba waayeelka; waxaa kale oo ay isku halgaadi karaan cinjirka iyo kuusha ka dhacaysa qoryaha iyo biskooladaha oo haddii isha ay ku dhacdo wax-yeelo weyn gaarsiinaysa,” ayay sii raacisay.

Dunida ay carruurtani la-qabsanayaan inay kula cayaaraan agabka macmalka ah balse tijaabo ahaan halis ku ah jiritaanka nolosha qofka bani aadamka waa caalam ay aqoon fiican u yeesheen nuucyada qoryaha laga isticmaalo iyo waxa loogu tala-galay in lagu sameeyo.

Abdimalik oo 10-jir ah wuxuu nuucyada hubka ka xifdisanaa madaxa; markii uu dul yimid goobta lagu iibiyana wuxuu bilaabay inuu tiriyo. La-yaab ay hooyadiis ka qaaday sida xagjiran oo ay ugu fogaadeen carruurteeda ku dhayalista qoryaha.

Sida ay muhiim u tahay in madaalada farxad loogu abuuro ubadka, waxaa kasii muhiimsan in laga foojignaado waxa ay tahay in laga dhowro waqtiga hore ee carruurnimada.

“Madadaaladu waa qeyb muhiim u ah nolosha carruurta, dhadhanka iyo macaanka ay helaan waxaa sal-dhig u ah boodboodka iyo baashaalka,” ayay tiri.

Macalimad Sihaam oo kamid ah barayaasha Somaaliyeed ayaa aamisan in wadciga lagu jiro iyo mustaqbalka ubadka xil weyn la iska saaro sidii loo kala weecin lahaa madaama tagtadii hore wax kamid ah oo ku dhisan dagaal iyo gacan-ka-hadal laga soo minguurshay walxaha ay maanta carruurteennu ku ciyaaraan.

“Waa lama huraan marka in dunida aynu rabno inaan mustabqalka geyno carruurta aan uga bilowno bilowga noloshooda oo ay helaan agabyo ka tarjumaya is-lahaansho iyo wada noolaansho; maya dagaal iyo kala tag,” ayay ku tala-bixisay.

Waalidiin badan ayaa caadi u arkaya in ubadka loo yeelo rabitaankooda, waxayse luminayaan mas’uuliyad bulsho oo kaga aadan inay mujtacama kusoo biirayaan jiil xasilan, nabdoon oo aan qoriga iyo dagaalka u arkin xal balse u arkaya dib u dhac iyo qalalaaso.

Qore: Zaki Hiraale.

Kala xiriir: Zakariya@himilonetwork.com ama hiraal86@gmail.com.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!