Jeddah, Saudi Arabia (Himilonews) – Ahmad Mazin Alshugairi wuxuu 19-kii June 1973-dii ku dhashay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga. Waa geyfane Sucuudi ah iyo hal-tebiye saxaafadeed. Wuxuu kusoo caan baxay barnaamijka Khawatir ee socday 2005-2015 kaas oo guulo kala duwan kasoo hooyay isla Sucuudiga. -Taariikh nololeedkiisa- Alshugairi wuxuu ku dhashay caruusadda badda Cas ee Jeddah. Kadib ka qalin-jabintiisa dugsiga sare ee Manarat ...
Read More »Wararka
Australia: Markuu geel-jiraheennu macalin noqdo
Muqdisho (Himilonews) – Soomaalida ku nool Australia ayaa bilaabay inay door ku yeeshaan dhaqashada geela ku nool dalka kaligii u taagan qaaradda Shanaad ee dunida kadib jah-wareer soo jiitamayay muddo badan kaas oo ka dhashay la-qabsiga dhaqameed ee dhaqashada Geela oo Australia ka ah duunyada duur-joogta ah. Warbixin uu soo daayay fogaan aragga Puntland TV ayaa lagu soo ban-dhigay dad ...
Read More »Markuu Wajigu kaa qarsoomo!!
Muqdisho (Himilonews) – Gabar dhalinyaro ah ayaa waji la’aan ku nooleyd taniyo dhalashadeeda iyada oo ay dhaqaatiirtu u sheegeen in qalliin lagu sameeyo uu dhimasho ku keeni karo nafteeda–hadda waxay malada u jiheynayaan inuu jiro unug barar ku socda maqaarkeeda. Khadiija Khatoon, oo 21-jir ah, waxaa foolkeeda kasoo raaracmay maqaar kaas oo ka qariyay indhaha iyo sanka–waxyar marka laga reebo. ...
Read More »Daadad saameeyey Soomaali badan
Muqdisho – Ku dhawaad 90,000 oo Soomaali ah ayaa waxaa saameeyey daadad ka dhacay gobollada qaar ee dalka. Tira taas kamid ah oo ku dhow 42,000 ayaa ka barakacay guryahooda marka loo eego warbixinta ay soo saartay UNOCHA. Sanadkan roobabkii da’ay ayaa ka sara-maray heerkii caadiga ahaa ee awal ka di’i jiray dhinaca koofureed ee dalka. Fatahaadaha awgood, badi waxay ...
Read More »Ma dhamaado Caashaqu!!
Xeebta Jaceylka, Soomaaliya – Maalin ayaa waxaa is jeclaaday wiil iyo gabar dhalin yaro ah. Wiilku wuxuu kasoo jeeday qoys sabool ah. Marka gabadha waalidkeeda aad uguma faraxsaneyn. Sidaas darteed, wuxuu isku dayay inuu dhaqan wanaag iyo hannaan wacan kula fal-galo gabadha iyo waalidkeeda. Jeer waxaa timid ugu danbeyn ay si mid ah waalidku u jeclaadaan wiilka. Waayo waxay arkeen ...
Read More »Waji walba wuxuu tebiyaa sheekadiisa
-Waji walba wuxuu tebiyaa sheeko- Muqdisho – Jacqueline Saburido waxay qaadaneysay fasax jaamacadeed markii ay timid Maraykanka si ay u barato Ingiriiska. Waxay ku sugneyd gobolka Texas wax ka yar bil markii burbur ku dhacay uu nolosheeda gebi ahaanba wada rogay. Darawalka cabsanaa kaas oo ku dhuftay gaariga wuxuu xabsiga ku qaatay toddobo sano. Iyadu waxay heshay nolol. -Qoob-ka-ciyaarto, Dabaalato, ...
Read More »Nadaafad-darrida Xareed
Hawl-wadaag, Muqdisho – Nimcada roobku waa mid kamid ah sareedooyinka Ilaahay ugu deeqo makhluuqaadkiisa. Hayeeshe, marka nimcada roobku ay isku badasho nabar lagu rafaado, waxaad soo xasuusataa Xareed oo ah kobta ugu ballaaran ee lagu iibiyo buugaagta ugu badan gudaha magaalada Muqdisho. Is-haleelka tiixa roobka iyo tabaabul la’aanta waa casharka laga barto sida waqal da’ay—halkii laga sugayay in lagu diirsado—ay ...
Read More »Gaalkacyo; guri gobannimo
Gaalkacyo, Mudug (Himilonews) – Sheekooyin dhowr ah ayaan ka heystay gobolka Mudug oo aan waligay dhaayaha kusoo arkin. Dharaaro kahor intaan u kicitimin Gaalkacyo, dhagahayga waxaa ka batay jiraalka qadka cagaaran oo magaalada u kala dhanbala laba qeybood. Maalintaydii koobaad ee Gaalkacyo, sarkaal ka tirsan waaxda gegida diyaaradaha ayaa i dareensiiyay in magaaladu ay kala maamulan tahay. Waxay tani igu ...
Read More »UNHCR: Ma fududa dib-u-celinta qaxootiga
Shibis, Muqdusho – In ku dhow 5,000 oo qaxooti ah ayaa kasoo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab halka 4500 oo kale oo xerada wali ku sugan ay balan-qaadeen inay ku laaban doonaan dalkii hooyo ee Soomaaliya. Hey’adda qaxootiga ee UNHCR ayaa ku caawisay celinta qaxootiga iyada oo geyneysa magaalooyinka ay kasoo kala jeedaan sida Muqdisho, Kismaayo, Beydhabo, Luuq iyo bartamaha ...
Read More »Markuu Maseyrku Miidaamo isku rogo
Deyniile, Muqdisho (Himilonews) – Xaafadda Gubta ee laanta labaad ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii isbitaalka loola cararay nin kamid ah dadka deegaanka kaas oo, sida la tibaaxay, ku sumoobay caano ay u qastay ooridiisa. Aabaha dhintay ayaa ifka uga tagay lix caruur ah oo ay u dhashay xaaska uu qabay taas ...
Read More »