Markuu Wajigu kaa qarsoomo!!
Posted by: Zakariya
in Wararka
November 9, 2015
388 Views
Muqdisho (Himilonews) – Gabar dhalinyaro ah ayaa waji la’aan ku nooleyd taniyo dhalashadeeda iyada oo ay dhaqaatiirtu u sheegeen in qalliin lagu sameeyo uu dhimasho ku keeni karo nafteeda–hadda waxay malada u jiheynayaan inuu jiro unug barar ku socda maqaarkeeda.
Khadiija Khatoon, oo 21-jir ah, waxaa foolkeeda kasoo raaracmay maqaar kaas oo ka qariyay indhaha iyo sanka–waxyar marka laga reebo.
Rashid Mulla iyo Aamina Bibi oo ah labada waalid ee dhalay Khadija waxay sheegeen inaysan si foojigan xog ogaal ugu aheyn xaaladda inantooda oo ay la baraarugeen markii ay arkeen inantooda oo aan indhaha kala furi karin xilli ay jirtay wax ka yar saddex bilood.
Waxay sheegeen inay dhaqaatiirtu ku yiraahdeen, “Majirto wax laga sameyn karo xaaladeeda” iyaga oo uga digaya in–isku day walba oo lagu sameeyo uu nafteeda halis galin karo.
Xaaladeedu waxay sii xumaatay kolkii uu koror ku dhashay maqaarka kasoo raaraca wajigeeda.
Inyar kadib markii ay barbaartay, Khadija waxay qaadatay go’aan lamid ah kii waalidkeeda–waloow tani ay ka hor-joogsatay inay dugsi wax kusoo barato iyo inay abuurato saaxiibo badan.
Waxay tiri; “Qoyskaygu waa saaxiibka qura ee aan leeyahay. Si dhab ah ayaana u jeclahay.”
“Ma ahan xaalad aan iska soo garoocday. Waxaan u noolahay sida aan ahay.”
Sarkaal dowladda katirsan oo Ruka Dutta lagu magacaabo ayaa Facebook-ga ka doonay kaalmo uu uga raadinayo isaga oo soo sawiray Khadija oo wadada maraysa.
Dr. Anirban Deep Banerjee wuxuu sheegay in Khadija ay la silceyso Neurofibromatosis oo ah xaalad qofka ka dhigta inuu la silco maqaar weynaad kasoo yaaca unug qura kuna faafa oogada inteeda kale sida ay kasoo xigatay muddaalaha The Sun.
Wuxuu yiri; “Waxaa jira maangalnimo ah inuu jiro ung kamid ah unugyada sare kaas oo sabab u ah in maqaarku uu kasoo raaracmo wajigeeda.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-11-09
You must log in to post a comment.