Haweeney Filastiiniyad ah oo geesimo ku shahiiday
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
November 9, 2015
294 Views
Muqdisho – Ilaalada ayaa rasaas kor ugu riday si ay uga joogsato kob-baaritaan oo u dhow magaalada Qalqilya. Waxaana ugu danbeyntii toogtay ciidamada amaanka, wasiirka gaashaan-dhiga ee Israel ayaa u sheegay warfidiyeenka.
Laba waraaq oo ay ku qorneyd qaabka ay u fulin karto qorshaha ayaa laga helay boorsadeeda sida ay sheegtay wasaaraddu. Bileyska reer Falastiin ayaa heybteeda ku sheegay Rasha Uwessiah, oo 23-jir ah, taas oo ka timid Qalqilya.
Dhacdadan ayaa ah tii ugu danbeysay qalalaasooyin xiriir ah oo ka aloosmay Israel iyo daanta Galbeed taas oo kusii fiday Marinka Gazza.
Tani ayaa imaanaysa xilli Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu booqasho ku aaday dalka Maraykan si uu kulamo looga hadlayo qalalaasaha kasoo cusboonaaday bariga dhexe ula qaato Madaxweyne Barack Obama.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-11-09
You must log in to post a comment.