Ugaarsiga Facebook-ga
Posted by: Zakariya
in La-yaabka
November 9, 2015
489 Views
Nairobi, Kenya – Bilooyin kahor, gabar 16-jir ah ayaa kasoo tagtay Nakuru iyada oo soo aadeysa Limuru si ay ula kulanto nin ay muddaba ku wada sheekeysan jireen Facebook-ga. Wuxuu usoo diray lacag dhan 400 oo shilin Kenya ah; bas raac. Wuu la kulmay: wuuna u galmooday isaga oo durba ka dhuuntay.
Ma aysan heysan lacag ay kusoo laabato. Hayeeshe, ayaan fiican ayaa kusoo aaday. Waxaa meesha kasoo waday gabar ay isku fasal ahaayeen oo gurigeeda kusoo celisay. Balse taasi kama qaadi karin walaaca iyo walbahaar ay kala soo kulantay ninkii ay u martiday.
Tii ugu xumeyd ayaase ku timid. Waxaa ku cadaatay inay uur leedahay oo ay lama huraan tahay inay iskuul ka baaqato maalmo dhowr ah.
Ugaaratada tooska ah ee Facebook-ga kuma xadidaan rabitaankooda kaliya galmo; dhalidda caruurtana ma ahan bartilmaanta koobaad. Xod-xodashada ay wadaan ugaaratada Facebook-ga waxay wax ka weyn hungurigooda ku tijaabiyaan il-nugeylka bilis ee ku dagma beer-dulucsiga lagu xado uurkooda.
Balse falalkoodu wuxuu xittaa guntii ku gabagaboobaa dhimasho. Il-nugeysha bilis marmar nasiib ku filan oo ay ku badbaado mahesho.
Sanadkii hore, Peris Ashley, oo aheyd 22-jir dhigata jaamacadda Nairobi, waxaa dilay saaxiibkeed “boyfriend” kaas oo ay isku barteen Facebook-ga.
Dr. Makenyengo–oo fadhisa qeybta saykitiriska caruurta ee isbitaalka Kenyatta National–waxay sheegtay inay aragtay bukaano badan oo sida 16-jirtan oo kale ah kuwaas oo mustaqbal madow ku arooray kadib markii ay ku kadsoomeen xiriirrada qaldan ee facebook-ga.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-11-09
You must log in to post a comment.