crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Boqor Keymaha oo Halis ku sugan | HimiloNetwork

Boqor Keymaha oo Halis ku sugan

Kenya – Liic culus ayaa ku socda tirada Libaaxa ee ku nool Afrika gaar ahaan bariga Afrika. Ku sinnaan 1940-kii, tiro ku dhow 450,000 oo Libaaxyo ah ayaa ku noolaa qaaradda Afrika. Balse tiradaas ayaa kala bar hoos u dhacday sanadkii 1950-kii.
Libaaxa oo xilliyada oo dhan isku taga ayaa sanadkii dhala celcelis ahaan 3–4 Cagabaruur. Cagabaruur waa magaca loo yaqaan dhallaanka yaryar ee Libaaxa. Waxayna ku nool yihiin cad iyo caws.
Sababa ka danbeeya liica ku socda tirada Libaaxa waa dhowr. Hayeeshe, marka loo eego war-bixinta Hey’adda Badbaadada Duur-joogta, Ugaarsiga dhaqameed waa door kale oo kusoo kordhay xaalufka ku socda tirada Libaaxa.
Tusaale ahaan, qowmiyadda Maasai-da loo yaqaan ee ku nool koofurta iyo bariga Kenya, waxaa caado u ah in–qaan-gaarka usoo if-baxa uu maro tijaabo adag oo ku saabsan gaashaan-qaadnimadiisa. Waxaa lagu qasbaa inuu soo dilo Libaax. Ilaa uu kasoo dilayo Libaax–si loo xaqiijiyo raganimadiisa–wuxuu ku haraa guriga iyo gabdhaha.
masia
Tani waxay halis muuqata ku noqotay dhantaalka culus ee ku yimid Libaaxyada ku nool bariga Afrika. Hayeeshe, marka loo eego isla warbixinta, Soomaaliya ayaa lumisay 85% Libaaxyadii ku noolaa qarnigii dhamaaday. Waana wadanka ugu hooseeya ee milkiya tirada Libaaxyada.
Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii tiro badan oo Duur-joog ah ay dib ugu soo laabteen dalka gaar ahaan dhinaca koofureed ee dalka. Tani waxaa loo aaneynayaa xaalado adag oo ku qabsatay gudaha Kenya.
Balse waa dowladda iyo dal-jecleyda Soomaaliya, kuwa looga fadhiyo inay–inta yar ee ka hartay tirada Duur-joogta gebi ahaan badbaadiyaan–si dal beri hodan ku ahaa Duur-joogta oo maanta beylah ka taagan aan loo arag.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!