crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiinta Jaziiradda Fiji oo furanaya Masjidkoodii ugu weynaa abid. | HimiloNetwork

Muslimiinta Jaziiradda Fiji oo furanaya Masjidkoodii ugu weynaa abid.

MUQDISHO (HN) — Dhul-u-ekaha dhaca Waqooyi-bari New Zealand, Muslimiinta ku nool Fiji ayaa u dabaal-degaya furitaanka Masjidka ugu weyn caasimadda labaad ee Jaziiradda Fiji ee Lautoka.


Nasir Khan, oo xubin ka ah guddiga Masjidka ayaa furitaankiisa ku tilmaamay mid isku keenaya da’da jiilashada Muslimiinta si ay ugu wada cibaadaystaan.

Masjidka oo dhinac ku haya xeebta Sewani ayaa mar qura waxaa ku dukan kara afar kun oo Muslimiin ah. Dhismihiisa oo ka kooban saddex dabaq waxaa ku baxay adduun lacageed dhan $1.5 milyan.

Jamhuuriyadda Fiji ayaa ka kooban 830 jaziiradood oo wadarta baaxadooda ay ku fadhiyaan 18,300 km oo isku wareeg ah. Caasimadda Fiji waxaa la yiraahdaa Suva.
 
Jiritaanka nololeed ee bani-aadanka ayaa halkan ka jiray taniyo 2000 kahor Nabi Ciise CS.

Muslimiinta ayaa ah bulshada saddexaad ee ugu badan kaddib Kirishtaanka oo ah diinta ugu weyn iyo Hinduu-ga. Fiji ayaa leh fasaxyada ciidaha diimaha kala duwan ee laga aaminsan yahay gudaheeda.

Muslimiinta Fiji ayaa badigood ah Sunni Muslim oo heysta mad-habta Xanafiyada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!