Kigali (HN) — 25 sanno kaddib Xasuuqii Rwanda wuxuu ifinayaa xaqiiqooyin aan lasoo hadal-qaadin in badan – doorkii Muslimiintu ku lahaayeen badbaadinta dadkii lagu gumaadayay Xasuuqa ayaana kamid ah.
Kumanaan ka baqa-cararay Xasuuqa oo soo magansaday gudaha Masaajiddii Rwanda si ay ugu nabad-galaan, wuxuu ahaa waqti ay diinta Islaamka ku qaataan.
“Xasuuqa kahor, waxaan ahaa Katoolig,” Matabaro Suleyman, ayaa u sheegay TRT World.
Markii uu bilowday Xasuuqii Rwanda sannadkii 1994-kii, 49-jirka wuxuu indhihiisa ku arkay sida Kaniisadihii lagu wacdin jiray nabadda iyo midnimada ay u noqdeen kawaan lagu gowraco dadka.
“Xag-jirka Kiristaanku waxay dadka ku dhex dilayeen Kaniisadaha,” ayuu yiri Suleyman.
In ka badan 2,000 oo qof kuwaas oo badbaado usoo raadsaday Kaniisad ayaa lagu dhex gowracay kaddib markii Baadariga Wenceslas Munyeshyaka uu gacan-ku-dhiiglayaasha ka caawiyay inay galaan Kaniisadda.
Kaniisadda Nyamata oo dhacda koofurta Kigali waxay xabaal-wadareed u noqotay ku dhawaad 50,000 oo qof kuwaas oo lagu dhex gowracay markii ay usoo badbaado doonteen.
Markii Kaniisaduhu noqdeen kawaan lagu gowraco dadka, tira-yarta Muslimiinta Rwanda ayaa furay albaabada Masaajidooda si ay u badbaadiyaan baqa-cararayaasha.
Islaamka waxaa Rwanda soo gaarsiiyay ganacsatadii Muslimiinta oo si aan ku-tala-gal aheyn ku faafiyay dabeecadda nololeed ee hab-dhaqanka Islaamka.
Xilligii uu dhacayay Xasuuqa, Muslimiintu waxay tirada Rwanda ka ahaayeen 1%. Maanta waxaa lagu qiyaasaa 15% inay ka yihiin bulshada Rwanda, marka loo eego Salim Habimana, oo ah Muftigii hore ee Muslimiinta Rwanda.
Qaar badan ayaa qaatay Islaamka markii ay arkeen kaalintii dhexdhexaadineed iyo middii badbaadineed oo Muslimiintu ka ciyaareen intii uu socday Xasuuqa.
“Markii aan arkay sida tirada yar ee Muslimiinta ah uga qeyb galayaan badbaadinta dhibanayaasha, waxaan is iri waa tan xaqiiqdii dhabta aheyd ee nolosha iyo Islaamka,” ayuu yiri Suleyman.
“Waxaana meeshaas ku qaatay diinta Islaamka.”
You must log in to post a comment.