crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Markuu Maseyrku Miidaamo isku rogo | HimiloNetwork

Markuu Maseyrku Miidaamo isku rogo

Deyniile, Muqdisho (Himilonews) – Xaafadda Gubta ee laanta labaad ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii isbitaalka loola cararay nin kamid ah dadka deegaanka kaas oo, sida la tibaaxay, ku sumoobay caano ay u qastay ooridiisa.
Aabaha dhintay ayaa ifka uga tagay lix caruur ah oo ay u dhashay xaaska uu qabay taas oo lagu maleynayo inay ka danbeysay sumeynta caanaha. Tani waxaa loo aaneynayaa uurxumi ka dhalatay oori labaad oo uu ninku kol dhawayd guursaday. Balse xaqiiqdu ma ahan mid si quman wali farta loogu wada fiiqi karo.
Afada oo–kadib dhimashada seygeeda–hadda ah carmal ay sugeyso inay koriso ubadkii ay isu dhaleen iyada iyo marxuumka, waxay  gaashaanka u daruurtay eedeymahan iyada oo tilmaantay inaysan aheyn wax ka suura-gala qof, sida iyada oo kale ah, beer wax dhalay  inay ubadkeeda ogoomeyso.
“Tani waa been-abuur. Dhaqaatiirtu si indhala’ ayay wax u eegeen,” ayaa laga soo xigtay garoobta leh lix caruur ah.
Inkasta oo aan dhab ahaan loo qayixi karin nuuca waabay ama suneed ee lagu arkay jirka marxuumka kahor intaan la aasin shalay subax, hadana, waxaa si cad loo tilmaamay inuu u dhintay layiig–dareere ah sida caano aan hufneyn oo lagu xaqiijiyay uris lagu sameeyey hungaacadiisa.
Dadka deegaanku waxay hoosta ka xariiqeen inaanu jirin wax is-maandhaaf ah oo ka dhaxeeyey oorida iyo seygeeda oo aan ka aheyn inuu kol dhaweyd afo cusub la aqal-galay. Taas oo loo tiirshay inay dhalisay hinaase ku abuurmay uurka bah-weynta.
Falalka nuucaan ah oo ay qaayib tahay in laga helo dal Muslim ah, sida Soomaaliya, ayaa hadana waxaa lasoo weriyaa dhacdooyin kuwan la halmaala.
Sanadkan bilowgiisa ayay aheyd markii nin uu xaaskiisa ifka dhaafiyay kadib muran ka dhashay is-qab-qabsi ku saleysan xeer hoosaadka qoyska.
Si kastaba, falalka ka dhasha maseyrka ee natiijadooda kusoo idleeya miidaamo, waa kuwa sii jiraya intaanay jirin wacyi-gelin ay ka wada qeyb qaataan qeybaha bulshada si loo ciribtiro ama seeto loogu helo maseyrka. Taas oo ah in la helo xarumo ku howshooda xalka iyo xanaf-tirka qoysaska si looga gaashaanto soo noqnoqoshada falkan oo kale.
Balse taasi waa xal la dheereysto sugistiisa. Hayeeshe inta laga helayo qoysas xalkooda ka doona Eebe iyo Rasuulkiisa, dhallaan  badan sida, lixdan aqoon, waxay waligood eersan doonaan xusuusashada ciqaabtii waalidiintoodu ay ku kala fogaadeen.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!