crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Caddaan shan sano Madow addoonsanayay oo lagu xukumay xabsi 20 sano. | HimiloNetwork

Caddaan shan sano Madow addoonsanayay oo lagu xukumay xabsi 20 sano.

New York (Himilonetwork) – Nin caddaan ah kaas oo maareeye ka ah baar ayaa lagu eedeeyey inuu midiidin ku heystay nin madow sanado badan, marka loo eego booliska South Carolina.
Waaxda Garsoorka ee Maxkamadda ayaa Bobby Paul, oo 52 jir ah ku oogtay danbi ah xoog ku sandullesi shaqaale.
Marka loo eego caddaymaha, muddo shan sano, Edward wuxuu xoog , baqa-gelin, jirdil iyo dhibaatooyin kale ku heystay dhibane si gaar ah u qaba baahiyaha gaarka ah kaas oo ka shaqeeya baarkiisa J&J Cafeteria.
Edward ayaa ahaa maareeyaha baarka markii falkani uu dhacayay.
Wuxuu wajahayaa xabsiga 20 sano ah iyo inuu bixiyo adduun dhan $250,000.
Marka loo eego qareenka dhibanaha, John Christopher Smith, oo 39-jir ah, wuxuu ka shaqo bilaabay baarka – isaga oo ugu danbeyn noqday cunna-kariyaha gaarka ah.
Ugu horreyn, Smith wuu jeclaa shaqadiisa waxaana loola dhaqmay si fiican, hayeeshe markii Edward uu noqday maareeye, Smith waxaa soo wajahday dhibaatooyin hor leh.
Smith wuxuu sheegay in Edward uu joogto ugu garaaci jiray sun, kuna gubi jiray biraha cuntada.
Edward wuxu sidoo kale dhibanaha ku dhufan jiray saxan kulul  mararka qaarna wuxuu u adeegan jiray ereyo cunsuraysan.
Smith waxaa la sheegay inuu helay 3,000$ sanad kasta tiiyoo uu shaqeyn jiray 18 saacadood maalintiiba.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!