crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 2

Dunida Muslimka

“Ma iska indha-tiri karo Xasuuqa Gaza.” Codbixiyayaasha Muslimiinta USA.

MUQDISHO (HN) – Carabta iyo Muslimiinta ku nool gobalka Michigan dalka Maraykanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey doorashada ka socota Maraykanka qaadanaya go’aanno lama filaan ah oo kasoo horjeeda xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga – iyaga oo sheegaya inaysan codkooda siineyn kuwa xasuuqa iyo gumaadka ka wada Falastiin oo ay kala jeedaan Biden iyo xulufadiisa. Waxay hoosta ka xariiqeen inay codkooda siinayaan ...

Read More »

Waa kuma Fethullah Gulen oo dhawaan geeriyooday?!

MUQDISHO (HN) – Fethullah Gülen, oo ahaa caalim Muslim ah iyo aas-aasaha Dhaqdhaqaaqa Hizmet wuxuu geeriyooday October 20, sannadkan 2024. Isbitaal ku yaalla Maraykanka ayuu ku dhintay Gulen oo jiray da’da 83. Baaniye – ama daaci iyo qoraa Gulen, wuxuu waqtigiisa inta ugu badan ku qaatay horumarinta wax-barashada, arrimaha bulshada iyo ka qeybgale doodaha diimeed. Qoraallo badan ayuu dunida ku dhaafay ...

Read More »

Qoraal-gacmeed lagu qoray Qur’anka kii ugu weynaa oo Kashmiir lagu soo bandhigay!

MUQDISHO (HN) – Farguri lagu qoray kutubka Qur’anka kariimka ah kii ugu weynaa ayaa lagu soo bandhigay gobalka Kashmiir oo ah mid ay xoog ku heysato Hindiya. Qoraal-gacmeedka, oo dhererkiisu yahay 41 cagood iyo ballac ahaan 8.5 cagood, waxaa si taxadar leh u farsameeyey aqoonyahan caan ah oo culimada diinta kamid ah, Pir Imtiaz Haider Shah Noorani Mujadadi. Bandhigga oo ...

Read More »

5,000 samafalayaal ah oo sannadkan ‘u adeegay’ xujeyda.

MUQDISHO (HN) – Ku dhawaad 5,000 oo samafalayaal ah ayaa iska diiwaangeliyay si ay ugu adeegaan xujeyda gudanaysa xajka, sida ay kusoo warrantay wasaaradda arrimaha diinta, dacwada iyo hanuuninta. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 247 jaad oo shaqooyin kala duwan ah oo qofka samafalaha ahi u qaban karo xujeyda. Waxaana kamid ah qeybinta caagag biyo ah oo gaaraya 235,000 oo ...

Read More »

10 jir ayuu ku Islaamay – 12 jirna ku xifdiyay Qur’anka.

MUQDISHO (HN) — Mahdi, oo ah 12 jir u dhashay dalka Gabon ayaa kulanweynaha tartanka Qur’anka kariimka ah ee Boqor Abdulaziz kaga yaabsaday cod macaan iyo xifdin Qur’an – waana un labo sannadood kaddib inta laga joogo markii uu qaatay diinta Islaamka. Mahdi ayaa ah Muslimka kaliya ee reerkiisa ku jira, waxaana macalinkiisa iyo ardaydii wax la dhiganaysay ka yaabisay sida ...

Read More »

Wuxuu dhintay isaga oo Qur’an aqrisanaya!

MUQDISHO (HN) — Aabbe labo carruur ah dhalay ayaa dhintay isaga oo Qur’an aqrisanaya – maalmo un kaddib markii uu yimid magaalada Birmingham. Hassan Khebbeiz, oo labadiisa waalid waayay isaga oo da’yar, wuxuu ka xoogsan jiray UK kaddib markii uu kasoo qaxay dalkiisa Suuriya si uu nolol dhaanta tii uu kasoo cararay uga helo waddankan. Wuxuu joogay un muddo kooban ...

Read More »

6251 arday oo ‘hal kalfadhi’ ku xifdiyay Qur’anka!

MUQDISHO (HN) – Qeyb kamid ah Barnaamijka Qur’an aqriska Al-Azhar, ku dhawaad 6,251 oo arday ah kana kala yimid gobollada dalka Masar ayaa hal kalfadhi ku wada aqriyay Qur’anka oo dhan. Waana dhacdo ay soo agaasimaan macaahidda al-Azhar. Ujeedka laga leeyahay Barnaamijkan ayaa ah in sare loo dhigo heerka aqooneed iyo si fiican u aqrinta Qur’anka kariimka ah, sida ay ...

Read More »

104 jir sannadkan kamid noqotay Xujeyda!

MUQDISHO (HN) — Haweeney 104 jir ah oo kasoo jeeda dalka Ciraaq ayaa Xajkii tagay ee sannadkan waxaa loo aqoonsaday xaajiga ugu da’da weyn ee kamid noqda xujeyda. Waxaana lagu magacaabaa Kazimiya Hatim. 33,000 oo xujey Ciraaqi ah ayay kamid ahayd haweeneydan, waxaana gegida caalamiga ah ee  Prince Mohammed bin Abdulaziz si diirran ugu soo dhaweeyey xujey iyo mas’uuliyiin. Waxaana ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!