MUQDISHO (HN) — Xurriyadda diinta ama caqiidada, midda hadalka iyo aragtida iyo isu-imaatinka – mid diineed iyo siyaasi – intabada waa xuquuqaadku uu ina aadan maanta ku heshiiyay inuu si isla eg ugu raaxaysto. Laakiin, aalaaba ereyadu sida loo yiraahdo uma dhamaadaan ficil ahaan. Cahdigii Baaqa caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ayaa quruumuhu isla qaatay inay wadajir ugu istaagaan ilaalinta sharafka iyo karaamada ina aadan.
Hayeeshe marwalba waxay su’aali ka taagneyd sida loo dhaqangelin karo iyo hababka loo mari karo suuragalinta wada noolaanshiyo ku dhalata xasilooni iyo ilaalinta madax-bannaanida.
Heliwaaga damaanad loo dhan yahay oo dhinacyada ka wada timaada waxay keentay inuu soo baxo qaraar lagu go’aamiyay xuska maalin caalami ah oo la isku xusuusiyo dhibanayaasha fadqalalooyinka ku dhasha magac diimeed iyo mid isir intaba.
Haddii ay jirto qolo ama bulsho si gaar ah dhibane ugu ah ficilladaasuna waa Muslimiinta gees ka gees arlada guudkeeda saaran kuwaas oo loo waxyeelo Islaamka ay rumeysan yihiin iyo dabcan in loo diido sida iyo saha ay ku noolaan karaan.
Marka loo eego warbixin soo baxday sanandkii 2019-ka, 25-kii sano ee lasoo dhaafay Muslimiin lagu qiyaasay 13 milyan ayaa u dhintay dagaallo dhulalkooda lagu soo qaaday iyo mid si dadban loogu bartilmaameedsaday waxa loogu yeero argagaxisada.
Taniyo markii uu dhacay nidaamkii Soofeeti ee Bari ka arrimin jiray, dagaalladii loogu jiray furfurka iyo burburintii midowga waxaa dhibta ugu badan kasoo gaartay Muslimiinta. Markii uu dhacay nidaamkaas Shuuciga ahina waxaa qalalaasihii xigay ay waxyeellada ugu daran kasoo gaartay Muslimiinta. Xasuuqii Bosnia oo kufsiga, dil-wareedkii lagula kacay Muslimiin badan uu ku qasbay inay dunida ku kala firxaan waxay ahayd jariimada qarnigii 20aad.
Marka loo eego warbixinta QM ay kasoo saartay dagaalkii Ruushku ku qaaday dhulka Muslimiinta Jejniya, Banbooyinka badan oo lagu garaacay caasimadda Grozny sanadkii 2002-dii awgeed, waxay ku tilmaantay inay tahay magaalada ugu burburka badan ee dhulka ku taalla.
Islaam-naceybka ama Islamophopia wuxuu isna geesta kale kaalinta caadyaal ah kaga jiraa tacaddiyada iyo weerarada ka dhanka ah Muslimiinta oo lagu qaado masaajidda iyo meelaha ay isugu yimaadaan. Adeegsiga kalmadda Islamic terrorism – oo ah mid gaar loogu eedeynayo Muslimiinta inay yihiin huriyayaal colaadeed ayaana xagaldaacinaysa wadajirka iyo deris wanaagga bulshada Islaamka ay la yeelan karto dadyowga ay ku dhex nool yihiin. Waxayna hadiyo jeer la imaanaysaa iltuhun oo lagu eego jiritaankooda.
Gabdhaha Muslimaadka ah ee xiran xijaabkuna kuwaa oo si fudud looga dhex aqoonsan karo mujtamaca intiisa kale waa kuwa ugu nugul uguna cabsi iyo warwar badan. Qaar badan oo kamid ah ayaa iska dhaafa xirashadiisa madaama aad looga dhex garan karo inta kale.
In kasta oo Islaamku aanu xirashada xijaabka u arkin astaan diimeed muujinaysa gaaroobid, haddana waa hab labiseed sharci ah kana mid ah waajibaadka Ilaahay ku adoonsaday gabadha Muslimadda ah.
Xasuuqii Christchurch oo lagu qaaday laba masaajid oo dalka New Zealanad ku yaalla oo ay ku dhinteen 50 qof in ka badan waa wareegtada tiiraanyada isasoo taraysa ee laga soo tebiyo dhibanayaasha diinta ay rumeysan yihiin darteed loo dilay.
Mana ahan kiiskani mid agoon ah. Waxa xanuunka leh ayaana ah in beegsiga lagu hayo tirayarta dadyowga ku dhex nool dalalka ay u hijroodeen sida Muslimiinta aysan wali hubaal muuqata iyo damaanad loo dhan yahay u heysan samata-baxooda. Mustaqbalka sida ay ugu sii dhex noolaan karaan ayaana ku sugan hubanti la’aan.
Si kastaba, maanta oo kale waxay ifinaysaa in tacaddiyadda ka dhanka ah tirayarta loo waxyeelo waxa ay rumeysan yihiin ama ay dad ahaan yihiin inaan loo sinneyn balse loo kala daran yahay. Muslimiintuna ay yihiin dhibanayaasha muuqda iyo kuwa dahsoon.
Qore: Zaki Hiraale.
You must log in to post a comment.