Maalinta Caalamiga ee Bani-aadanimada.

MUQDISHO (HN) — Maalinta Caalamiga ah ee Bani-aadnimada oo lagu soo gaabiyo WHD waxaa la xusaa 19 Agoosto si loogu dabaal-dego wax-ku-oolnimada shaqaalaha safka hore uga jira gurmadka iyo gargaarka bani-aadnimo  – oo iyaga oo u samafalaya bashariyadda u dhintay ama loo dhaawacay – waxaana halyeygaa birmadka ku jira lagu dhiirri-geliyaa inaysan marnaba ka joogsan halganka iyo bixinta dadaal nafhurnimo gaarsiisan si taageero nolol-badbaadin leh iyo kahortagba loogu sameeyo dadka ayaanka liita iyo kuwa u baahan kaalmada degdegta ah.

Sannadkan waxay Maalintani kusoo beegmeysaa iyada oo mar kale uu xanuunka Covid-19 fara ba’an ku haya bedqabka iyo hannaanka socodka dhaqandhaqaale ee nolosha. Iyada oo taasi jirtana, shaqaaalah gurmadku waxay isu dhaafayaan seerayaasha iyo xuduudaha si ay caawimo ugu sameeyaan dadka la dhiban musiibooyinka bani-aadnimo ee ku nool 54 dal oo dunida kamid ah – 9 waddan oo dheeri ku ah oo uu si ba’an u raadeeyey xanuunka Covid-19.

Maalintan waxay xuskeeda ku timid xusuus-dhigga dhacdadii qarax bambaano ee 19 Agoosto sannadkii 2003 lala eegtay Canal Hotel oo ku yaalla Bagdad, dalka Ciraaq kuna dhinteen 22 qofood oo uu ku jiro Sergio Viera de Mello. Sannadkii 2009, ayaa si kastaba Kal-fadhiga Guud ee QM wuxuu isku raacay in 19 Agoosto loo aqoonsado Maalinta Caalamiga ah ee Bani-aadnimada.

#IsirkaAadanaha waa hal-ku-dhegga sannadkan loo qaatay maalintan.

Cimilada is-beddelka ku imaanaya wuxuu hakad weyn iyo caqabadba ku noqonayaa howlaha samafalayaashu ka wadaan goobaha ay xaaladaha bani-aadanimadu ka jiraan waxaana adkaaneysa in la maareeyo ama halhaleel looga falceliyo.

Waqtiguna wuu cirbinayaa dadka nugulka ah oo aan kaliya wajahayn dhibaato guud oo ay aadamaha kale la wadaagaan marka laga hadlayo is-beddelka cimilada, hayeeshe sidoo kale halagn aan yareyn ku bixinaya samatabaxooda. Sababtaas awgeedna, malaayiin dadkaas kamid ah ayaa luminaya guryahooda, dhacsiga maciishadda iyo dabcan tan ugu daran oo ah inay u dhintaan.

In kasta oo dadaallada uu aadmigu ka wado dunida ay hubaal la mood u tahay badbaadinta arlada iyo mustaqbalka meeraha dhulka, haddana dadka ku nool kaalmada bani-aadnimo waa kuwa ugu boholyowga iyo taaha daran ficillada taban ee is-beddelka la imaanayo madaama aysan u heysan diafac iyo gabaad ay iska hor leexiyaan.

Dunida Muslimkuna waa tan ugu daran marka laga hadlayo dhibaatooyinka bani-aadnimo ee caalamka ka taagan oo 70% ka ah qaxootiga isaga soo hayaamaya dalalkii ay ku dhasheen – iyaga oo kaso baxsanaya musiibooyin ay ugu weyn tahay dagaallo daba-dheeraaday oo quwado shisheeye iyo loolan siyaasadeedyo gudaha ahi ay hurinayaan.

In la aqoonsado dhibaatada xaddiga ballaaran ee ka ratibmaysa waxay marka hore iyo marka kowaad kasoo bilaabanaysa in la yareeyo fara-gelinta milatari iyo midda siyaasiga ah ee lagu sameeyo waddamo xasilooni iyo deganaan buuxda ugu yaraan dadkooda u fidin jiray kuwaas oo markii lagu duulay ay qaxa iyo kala cararkii ku dhacay ku kala firxadeen dunida dacalladeeda.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!