crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maalinta Caalamiga Xusuusashada Ganacsiga Addoonsiga iyo Ciribtirkiisa. | HimiloNetwork

Maalinta Caalamiga Xusuusashada Ganacsiga Addoonsiga iyo Ciribtirkiisa.

MUQDISHO (HN) — Habeenkii ay taariikhdu ku beegneyd 22-ka ilaa 23 Agoosto sanandkii 1791 gudaha Santo Domingo oo maanta la yiraahd Jamhuuriyadda Haiti waxaa ka marqaati kaceen bilowga kacdoon adag oo door weyn ka qaadanayay ciribtirka ganacsigii addoonsiga ee ka jiray Atlantic-ga.

Waana isla taariikhdan midda ka dambeysa helidda iyo xuska maalinta caalamiga ah ee xusuusashada ganacsiga addoonsiga iyo dhammeyntiisa. Waxaana loo asteeyey 23 Agoosto sannad walba in loo dabaaldego.

Maalintan caalamiga ah waxay iftiiminaysaa mahadhooyinka iyo tiiraanyada laga dhaxlay ka ganacsiga ina aadan – oo uu ku noqonayo waxa ay ka dhigan tahay Addoonnimo taas oo ka qaadaysa xurriyadda go’aan qaadashada iyo midda lahaanshaha.

Waxaana ay bulshooyinka kala duwan isugu yeeraysaa inay u istaagaan wax ka qabashada ficillada gurracan ee karaamada qofka iyo sharafkiisa waxyeelaya. Waxayna geesta kale baraarujinaysaa xaaladaha addoonsi ka warqabka ah ee qarniga 21aad lagula kaco xoogsatada shaqaalaha side adeegtada ka xoojisa guryaha iyo shaqaalaha howlaha ay hayaan aanu rasmi ahayn.

Waxaana sidoo kale lama huraan ah in taariikhda wixii ay ka qortay tabaalihii adkaa ee lagula soo dhaqmay addoomada iyo siduu ahaa halgankii loo galay xorreyntooda iyo siinta xuquuqaad la siman aadanaha kale wax lagu qaato.

Hey’adda UNESCO waxay maanta oo kale xubnaha wasiirada dhaqanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ku casuuntaa munsaabado lagu weynaynayo oo ay ka qeyb noqdaan xubnaha u geyfan ilaalinta xuquuqda insaanka.


error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!