crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan: Jiiska Jeesteeya. | HimiloNetwork

La kulan: Jiiska Jeesteeya.

MUQDISHO (HN) — Majirto wax uu ka cawdo – micnaha waa qof aan isku arkin naafo. Emmanuel waa 19 jir lug iyo gacan is xiga ka go’an – balse sida qof kale oo caadi u aalamiitayn kara; haddii loo baahdana xarig boodka ku fiican. Intaas oo dhan wuxuu waliba ku qabsadaa farxad iyo niyadsamaan.

Noloshu aalaaba markii uu yaraa way ku adkeyd; kolkii uu bilaabay wax-barashadana way uga sii darneyd.

Ilmaha kale ee laxaadka qaba sababta ay ugu sahlan tahay inay u cayaaraan balse aysan isugu ugu fududeyn ayuu is weydiin jiray. Wuxuuna xumaato u dareemi jiray sida uu yahay. Niyadjebinta iyo u quus-dhebiduna waxay ahayd weeraha sida joogtada loogu soo tebiyo.

Sidii loo lahaa jiis, laangare iyo lugey wuxuu ku sigtay inuu is dilo. Sheekadiisu sinnaba ugama duwana sida kuweenna Somaaliga ah oo naafanimada ay yihiin darteed iyo iimaha Alle u yeelay lagu camabareeyo.

Hayeeshe, marwalba oo uu naftiisa eegaba, wuxuu fahmaa inay wali jirto sabab uu ku noolaado – iyo hadaf uu nolosha ka yeesho.

Tanina waa natiijada go’aankiisa iyo habka cusub oo uu nolosha maanta u arko. Wuxuu sida asaagiisa maareeyaa nolol maalmeedkiisa – isaga oo maryihiisa dhaqanaya, beertiisana falanaya. Afkiisu markaan oo kale waa itaal iyo xoog muuqda oo aanu kaga maarmi karin inuu wax ku qabsado. Uma baahna cid inay xattaa u warto dharka ama u majuujiso. Waxa kaliya ee ku adag waa inuusan socod ku gaarin darka biyaha laga soo dhaansado oo aad uga yara fog.

Balse wali waxaa ku adag inuu socod ku gaaro iskuulka. Xilliyada ay roobabku da’aanna wuxuu ka cabsadaa inuu ku kufo ciidda qoyan. Halkaasna kaliya kuma aysan joogsan wax-barashadiisa, wuxuu sidoo kale ku qasbanaaday inuu lumiyo qeyb dhan oo riyooyinkiisa kamid ah oo mustaqbalka ku taami jiray inuu xaqiijiyo.

Waase saaxiibada jaarkiisa ah kuwa ku aqbalay sida uu yahay kuwaas oo la kulankiisa iyo joogitaankiisa xaafadda ku faraxsan. Hayeeshe taasi kuma filna uma damaanad-qaadi karto helidda lammaane uu nolosha la qeybsado. Tijaabooyin badan oo uu ka sameeyey xiriirkoodana, waxay kusoo dhammaadeen fashil. Mana aysan u arkin qofkoodii ku habboonaa.

Laakiin ma luminayo marnaba rejada macaan ee nolosha. Wuxuuna ogsoon yahay in waxyaabaha qiimiga u leh qofka ay waqti badan qaataan.

Inta laga gaarayo middaas, Emmaneul waxaa ka go’an inuu sababta guushiisa uu isagu abuurto xattaa haddii ay taasi ka dhigan tahay inuu tacliintiisa dib ugu laabto. Riyadiisa ah inuu mar un injineer noqdana uu ku xaqiijiyo.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!