crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ninka la jiifta Duurjoogta. | HimiloNetwork

Ninka la jiifta Duurjoogta.

MUQDISHO (HN) — Ma ahan oo qura Yaxaaska saaxiibka kaliya oo uu rabaayad ama hayin ahaan u heysto. Duurjoog uu ka yimid yahay bah shabeelka la mataanka ah ee Haramcadka, diidiinka, iyo Daaxuurka ayaa kula nool gurigiisa.

Dabcanna, intaas oo dhan waxaa uga sokeeya Masaska oo uu la jiifsado lana seexdo mararka qaar.

Gudaha dalka Burundi ayuu ku nool yahay ninkan oo la yiraahdo Nesta kaas oo gurigiisa kaa yeelay bar kulan ay duurjoogtu ku kulmaan.

Yaxaasyo waaweyn oo hoy ka dhigta berkad ku dhex taalla aqalkiisa iyo masas dhulka iyo geedaha ku faalala kuwaas oo qaarkood waabaaydoodu daran tahay ayuu si dhiirasho leh ula nool yahay. Mana ka muujiyo wax cabsi ah xaggooda. Wuxuu falkiisa xaananada duurjoogta u arkaa mid uu dheer yahay inta kale laakiin taas cagsikeeda ayaa loo arkaa oo ah inuu yahay faalalow.

Hayeeshe, wax walba oo loo arkaba, qofna kuma dhaco inuu is hortaago.

Xiisaha uu u qabo heynta duurjoogta waa mid uu ka dhaxlay aabihiis oo ahaa ugaarsade. Laakiin marnaba maanu fileyn in jaceylka uu u qaaday ugaarsiga uu kaga hari doono wax-barashada. Maska aad u jeedaanna, wuxuu ukuntiisa kala yimid duurka ilaa uu ku qaangaaray agtiisa.

Markii aabihiis dhintay ayuu si kastaba usoo dhamaaday nolosha magaalada. Wuxuuna horay usoo qaatay qaar kamid ah duurjoogtiisa. Kadibna wuxuu guursaday lammaane nolosha la wadaagta.

Laakiin kuma guuleysan inuu isku dhinac wado guurkiisa iyo jaceylka uu duurjoogta xanaanadooda u qabo. Waxaana ay kala tageen afadiisa oo awoodi waysay inay hoy kula noolaato dugaagta iyo masaska.

Maanta kama qoomameynayo nolosha kelinimada ah oo uu kula dhinac nool yahay xayawaannadiisa. Sidaas darteed, qoloba markeeda ayuu siiyaa xurriyadda socodka iyo gaaf-wareega kahor inta uusan xeradooda ku celin si kuwa kale ay markooda dibadda ugu tamashleeyaan.

Ugaarta qaar sida Deerada ayaana kamida. Waxaase la dhinac socda dabjoogta qaar sida digaagga oo kamid ah kuwa uu dhaqdo.

Aalaaba Nesta iyo kuwa lamidka ah ee xanaaneeya bahallada waxaa loo fishaa mustaqbal madow iyo geeri lama filaan ah oo kaga imaan karta masaska ay nooleynayaan ama dugaagta ay quudiyaan kuwaas oo micida la heli kara goor uusan kuba baraarugsaneyn halista gaadmadooda.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!