MUQDISHO (HN) – Fethullah Gülen, oo ahaa caalim Muslim ah iyo aas-aasaha Dhaqdhaqaaqa Hizmet wuxuu geeriyooday October 20, sannadkan 2024. Isbitaal ku yaalla Maraykanka ayuu ku dhintay Gulen oo jiray da’da 83.
Baaniye – ama daaci iyo qoraa Gulen, wuxuu waqtigiisa inta ugu badan ku qaatay horumarinta wax-barashada, arrimaha bulshada iyo ka qeybgale doodaha diimeed. Qoraallo badan ayuu dunida ku dhaafay oo gadaashiis la derso.
Sannadkii 1941 ayuu ku dhashay gobalka Erzurum ee dalka Turkiga, barashada culuumta diintana wuxuu soo bilaabay carruurnimadiisa. Sannadkii 1960 wuxuu noqday daaci caan ka ah dalkiisa.
Dhaqdhaqaaqa uu sameeyey ee Hizmet oo micno ahaan loola jeedo Adeeg, wuxuu noqday iskaashatooyin caalami ah oo ay ka farcameen iskuullo iyo xarumo kale oo culuumta lagu derso kuna kala yaalla 160 oo dunida oo dhan ah!
Wuxuu ahaa horseed u taagan wada-hadalka bulshada, nabadda iyo wada-noolaanshaha. Waxaana doodihiisa ka qeybgali jiray kumaankun dad kala diimo iyo dhaqamo ah!
Geesta kalana, wuxuu mucaarad ku ahaa dowladda Erdogan oo dhowr jeer Maraykanka weydiisatay inay usoo gacangeliso laakiin waa lagu gacanseyray dalabkeeda.
You must log in to post a comment.