crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> “Ma iska indha-tiri karo Xasuuqa Gaza.” Codbixiyayaasha Muslimiinta USA. | HimiloNetwork

“Ma iska indha-tiri karo Xasuuqa Gaza.” Codbixiyayaasha Muslimiinta USA.

MUQDISHO (HN) – Carabta iyo Muslimiinta ku nool gobalka Michigan dalka Maraykanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey doorashada ka socota Maraykanka qaadanaya go’aanno lama filaan ah oo kasoo horjeeda xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga – iyaga oo sheegaya inaysan codkooda siineyn kuwa xasuuqa iyo gumaadka ka wada Falastiin oo ay kala jeedaan Biden iyo xulufadiisa. Waxay hoosta ka xariiqeen inay codkooda siinayaan Donald Trump ama qofka saddexaad ee kusoo xigsada!

Dagaalka ka-dhanka-ah Gaza oo dunida oo dhan ay ku ogaatay dulmiga iyo gaboodfallada ka baxsan bani-aadnimada oo Israel iyo reer Galbeedku kula dhaqmayaan Muslimiinta ayaa qeyb ahaan wuxuu wax ka qaabeynaya doorashada Maraykanka ka socota. Waxaana maamulka Biden uu ku fashilmay inuu ugu yaraan joojiyo dhiigga daadanaya!

Mohamed Jaber, oo ah Ciraaqi Amerikan ah kaas oo codkiisa marwalba siin jiray Dimuqraadiga ayaa sannadkan codkiisa u weecinaya Republican-ka.

“Nasiibdarro maanta dunida oo dhami waxay doonaysa cid dhiig joojin u noqota gumaadka Gaza ka socda,” ayuu yiri.

Sida Jaabirna dad badan ayaa codkooda ku wareejinaya Donald Trump iyo xisbigiisa. Laakiin in kale sida Osamah Alasadi, oo ah 43 jir Ciraaqi qaxooti ku ah Maraykanka, waxay la tahay in tartamayaasha midkoodna aanu wax ka qaban karin dhibaatada ka aloosan Gaza.

“Waa un sida Saadam Xuseen-keennii Ciraaq balse sharciyad helaya ugu yaraan,” ayuu yiri. “Laakiin Labadooduba – Biden iyo Trump – waxay caadiyan taageeri doonaan Israel iyo gumaadka ay ku heyso Muslimiinta Gaza.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!