crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Quba oo 19 milyan ay booqatay sannad gudihiis. | HimiloNetwork

Masjidka Quba oo 19 milyan ay booqatay sannad gudihiis.

MUQDISHO (HN) – In ka badan 19 milyan oo qof ayaa booqday Masjidka Quba oo ku yaalla magaalada Nabigeenna NNKH ee Madiina al-Munawara, sida ay kusoo warrantay Laanta horumarinta Madiina MDA.

Waa Masjidkii ugu horreeyey ee loo dhiso Umadda Muslimka ah, waxaana la taagan sannadkii koowaad ee Hijriga, sida ay qortay Warsidaha Islamic Information. Masjidka ayaa sannadihii dambe wuxuu noqday mid dalxiis-la-jaal ah oo bixiya adeegyo xujeyda iyo booqdayaasha loogu fududeynayo wax walba oo ay uga baahan yihiin Masjidka sida gaadiidka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan kuwa lagu qaado dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Horumarintii dhawaanahan ku socotay dhan walba oo Masjidka kamid ah ayaa soo jiitay dalxiisayaasha, waxayna gudihiisa ka helaan dareen ruuxaaniyadeed iyo mid raaxo. Biyaha Zamzam ayaa si lamid ah Masjidka Nabiga loogu diyaariyay dalxiisayaasha gudaha Masjidka.

Masjidka Quba ayaa ku yaalla duleedka Madiina wuxuuna kaalin gaar ah kaga jiraa taariikhda Islaamka maadaama uu yahay midkii koowaad ee loo dhiso umadda Muslimka. Waxaana la dhisay sannadkii 622 CE oo ku beegan muggii Suubanaha NNKH iyo saxaabadu ay kasoo qaxeen Makka soona degeen Madiina.

Suubanaha NNKH ayaana dhagax-dhigii ugu horreeyey ee dhismaha Masjidka Quba iska leh.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!