MUQDISHO (HN) – Bukaan-jiif xanuun la jiifay isbitaal ayaa lagu qasbay in lagu soo qaado sariirta – iyada oo la keenayo Bangiga – si loo hubiyo aqoonsigiisa ama hubinta xogta heybtiisa. Waxaana soo waday qaraabadiisa.
Muuqaal aad ugu baahay Shiinaha ayaa la arkayaa haweeney ku nool Shandong oo nin ku riixaysa sariirtiisa kaddib markii, sida la yiri loo sheegay, in sida kaliya oo uu lacag kula bixi karo ay tahay in isaga lasoo qaado oo Bangiga la keeno. In kasta oo loo sheegay maamulka bangiga in qofka iska leh koontada uu xanuun la jiifo isbitaalka, waxay ku adkeysteen in qofkii oo nool la hor keeno si uu lacagtiisa ugala baxo!
Dadaallo ay qoyskiisa wadeen oo ku aaddana in xogtiisa loogu gudbiyo bangiga ayaa kusoo idlaaday fashil. Aad buu ninku u xanuusana mana uusan awoodin inuu cagahiisa ku yimaado banbiga, sidaas darteed, waxaa lagu qasbanaaday in sariirtiisa lagu soo qaado ilaa laga keenay gudaha Bangiga.
Gaariga bukaan-la-roorka Isbitaalka ayaa ku gacanseyray dalab ahaa inay ku qaataan bukaankooda ilaa bangiga, waxayna u sheegeen in kaliya xaalad dedgeg ah loo oggol yahay in qof lagu qaado gaarigooda. Sidaas darteed, sariirtiisa ayay kusoo wadeen ilaa ay kaga geeyaan bangiga. Qoyska qofkan jiran ayaa sida la sheegay lacag ay daawadiisa ku bixiyaan ka rabay inay kala soo baxaan bangiga laakiin way kusoo hungoobeen.
Aragtiyo kala duwan oo u badnaa cambaarayn ba’an oo loo jeediyay bangiga ayaa la isku dhaafsaday baraha bulshada Shiinaha. Mana ahan markii ugu horreysay oo dhacdo argagax iyo la-yaab leh laga soo tebiyo dalka labaad ee ugu dadka badan caalamka.
You must log in to post a comment.