crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kitaabka Qur’anka oo kaliya ayaa ka badbaaday Dab xooggan oo isku maray guryo badan! | HimiloNetwork

Kitaabka Qur’anka oo kaliya ayaa ka badbaaday Dab xooggan oo isku maray guryo badan!

MUQDISHO (HN) – Dab xooggan oo ka kacay dhisme dabaq ah ayaa sababay barakaca ilaa 20 qof iyo burburka lix cutub – iyada oo dabku dhulka la wada simay ugu yaraan wax walba oo nolosha u ahaa kaabe.

Laakiin hal kitaab oo Qur’anka kariimka ah oo uu lahaa Umar Khan ayaa ka badbaaday gubashada. Hayeeshe, gebi ahaanba guriga ninkan ayaa basbeelay!

Dabka ayaa ka kacay dhismaha West Brook Condominiums, wuxuuna isku maray dhammaanba agabyadii iyo dharkii la isticmaali jiray oo dhan, nasiib wanaag, dhammaanba dadkii deganaa waxba ma gaarin waxayna kaga baxeen si nabdoon.

“Aniga oo qolkayga jiifa ayaa ur xooggan isoo gashay,” ayuu yiri Umar Khan, oo kasoo jeeda Pakistaan, kaas oo isla markiiba dareemay inay wax jiraan. Wuxuu durba bilaabay inuu degdeg dadkiisa iyo deriska uga daadgureeyo dabka faafaya. Waxaana ku jiray afar carruur ah oo yaryar oo deriskiisu dhaleen.

Markii, si kastaba, lagu guuleystay in dabka la demiyo, Khan wuxuu kusoo noqday gurigiisa si uu u arko sida ba’an ee dabku dhulka ula simay wax walba. Balse waxaa la yaab ku noqotay inuu arkay kitaabkiisa Qur’aanka oo sidii uu kaga tagay weli ah oo aan waxba gaarin – iska daa inuu gubto e.

“Wax badan ayaa nooga lumay dabka; laakiin waa alxamdullilah, maadaama uusan cidna nooga dhiman oo dadkeennii aan ka badbaadsannay,” ayuu yiri. “Nolol waa la helaa ee naf lama helo.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!