MUQDISHO (HN) — Haweeney Shiinees ah ayaa waqtiyadii ay ugu farxad badnaan lahayd nolosheeda isku beddeshay murugo kadib markii seygeedu uu su’aal ka keenay sida ay ku dhashay ilmo midabkoodu madow yahay – iyada oo ah gabar Shiinees dhalad ah.
Saxaafadda Shiinaha ayaa ku warbixinaysa in haweeneydan 30 jirka ah la weydiiyay su’aal iyaduba ay is weydiisay markii ay aragtay ilmaheeda oo ilaa hadda aysan u heli karin jawaab ay ku badbaadsato guurkeeda. Sheekadeeda ayay kusoo baahisay baraha bulshada si ay u dhageysato talooyinka hooyooyinka iyada lamidka ah ay ka siin karaan arrintan.
Waxay sheegtay in seygeeda uu diiday inuu cunugiisa kor u qaado oo uu xambaarsado durba markuu arkay midabkiisa madow. Waxay iyaduna qiratay inay dhacdadan ku noqotay fajac iyo amankaag oo markii ay dhabta saarataba ay dareemeyso ceeb!
Waxay u baahan tahay inay caddeyso inaysan weligeed Afrika tagin: qof Afrikan ahna aysan la kulmin.
Seygeedu kaliya kuma joogsan inuu iska diido inuu cunugiisa eego, wuxuu sidoo kale faray in la mariyo tijaabo hubineed oo caddaynaysa inay isku dhiig yihiin oo uu isagu dhalay! In kasta oo haweeneydan ay sheegtay inay ku raacday dalabkaas seygeeda, haddana waxay hoosta ka xariiqay inuu gebi ahaanba burburay kalsoonidii labadooda ka dhaxaysay! Wax iska caadi ayay dad badan oo Shiinees ah ku tilmaameen midabka ilmahan yar oo aysan ahayn in laga dido!
“Dhacdadan oo kale waa la arkaa; sababtuna waa ilmahan yar oo unugyada maqaarkiisu ay weyd ama caato yihiin iyo wareegga dhiiggiisa oo aad u liida,” ayuu yiri qof sheegtay inuu arrimahan oo kale usoo joogay. “Wayna dhacdaa in sidoo kale midabkaas madowga ah uu ugu dambeyntii isku beddelo caddaan.”
Qof kale oo xoojinaya aragtidiisa ayaa isna yiri: “Tani waa arrin dhif ah balse dhacda. Maqaarkuna isaga ayaa muddo kaddib u xuubdhacsan doona caddaan.”
You must log in to post a comment.