MUQDISHO (HN) — Dad ku dhex cibaadaysanayay macbad Hinduu ah oo ku yaalla Vrindavan, India, ayaa saf u galay inay biyo ka cabaan il-biyood sida; madaxa Maroodiga u sameysan – iyaga oo moodaya in biyahani yihiin kuwo barakaysan oo ka yimid cagaha Ilaahooda Krishna. Waxaase gadaal dambe looga sheegay inaysan arrintu sidaas ahayn, balse biyahani yihiin kuwo kasoo daatay qaboojisada AC-da la yiraahdo ee ku xiran macbadka!
Muuqaalka dadkan oo isku garbinaya inay u dhigtaan caagadaha qajaclayaasha yaryar biyaha sida dhibic dhibicda ah uga soo dhacaya marwaxadda ayaa ku baahay baraha bulshada, waxaana su’aali ka timid sida qofku wax walba isaga aamini karo haddii uusan adeegsan caqliga Ilaahay ku manneystay!
Waxay gebigoodba aaminsanaayeen in biyahani kasoo dhaceen cagaha Krishna, iyada sida dhabta ah ay kasoo daateen qaboojisada. Maamulka macbadkan ayaa soo saaray wareegto uu ku reebayo in la cabi karo biyahan – isla markaana ku caddaynayo inaysan ahayn kuwo barakaysan!
“Waan ku xushmeynaynaa iimaankooda, laakiin waa lama huraan in waxa jira loo sheego,” Dinesh Goswami, oo ilaalada macbadka kamid ah ayaa u sheegay warbaahinta. “Biyahani ma ahan kuwii kasoo baxay cagaha Krishna, balse waa kuwa kasoo daatay qaboojisada ku xiran macbadka,” ayuu sii raaciyay.
In la cabo biyaha qaboojisada waxay u muuqan kartaa mid aan dhib badan lahayn. Balse xaqiiqdu waxay tahay inay ka buuxaan bakteeriyo iyo fangal halis ku ah caafimaadka qofka.
Dadkan ayaa markii lagu wargeliyay arrintan dhaleeco xooggan kala dul dhacay macbadka iyo maamulkiisa, waxayna ku tilmaameen kuwo aan mas’uuliyad badan iska saarin bedqabkooda jireed iyo dareenkooda ruuxaaniyadeed.
“Waxaan halkan ku nimid iimaan buuxa, waxaase nooga jabay qalbiyadeenna, waxay ahayd in si fiican arrintan looga hortago inta aysan dhicin,” ayuu yiri mid caraysan oo kasoo aragti dhiibtay sheekadan.
You must log in to post a comment.