MUQDISHO (HN) – Farguri lagu qoray kutubka Qur’anka kariimka ah kii ugu weynaa ayaa lagu soo bandhigay gobalka Kashmiir oo ah mid ay xoog ku heysato Hindiya.
Qoraal-gacmeedka, oo dhererkiisu yahay 41 cagood iyo ballac ahaan 8.5 cagood, waxaa si taxadar leh u farsameeyey aqoonyahan caan ah oo culimada diinta kamid ah, Pir Imtiaz Haider Shah Noorani Mujadadi.
Bandhigga oo saddexda maalmood soconaya, billowdayna Axaddii, ayaa usoo bandhigaya martida fursad ay ku arkaan qoraalka xurmada leh, oo ay ka buuxaan tarjumaadaha Urduga ee dhammaan aayadaha Qur’anka.
Bandhigga oo dadweynaha loo furay ayaa soo jiitay culimaa’udiin, arday iyo shakhsiyaad deegaanka oo kala duwan.
Waxaa horraan loogu soo bandhigay dalka Pakistan magaalooyin kamid ah waana markii koowaad oo lagu soo bandhigayo Kashmiir.
You must log in to post a comment.