MUQDISHO (HN) — Wiil kasoo jeeda dalka Hindiya ayaa lagu soo eedeeyey inuu dhagray hooyadiis kadib markii uu muddo saddex maalmood oo xiriir ah ka soomay cunnada si loogu iibiyo iPhone. Muuqaal fiidiyow oo laga soo duubay wiilkan isaga oo jooga dukaan lagu iibiyo mobillada ayuu ku qiranayaa inuu ka soomay cunnada si uu hooyadiis ugu cadaadiyo inay iPhone u ...
Read More »Author Archives: Himilo
Nin wicitaan nafta uga qaaday xaaskiisa oo la xiray!
MUQDISHO (HN) — 38 jir u dhashay dalka Japan ayaa dhawaan xabsiga la dhigay kaddib markii la sheegay inuu wicitaan nafta uga qaaday xaaskiisa – isaga oo 100 jeer ka badan wacaya maalin walba waxna aan u sheegeyn. Haweeneyda uu qabo oo 31 jir ah, kana soo jeedda Amagasaki, dalka Japan ayaa wicitaan aan lala hadleyn – marwalba oo ay ...
Read More »Aabbe gabadhiisa ‘madaxa ugu xiray kaamiro’ si uu xaaladdeeda ula socdo marwalba!
MUQDISHO (HN) — Aabbe Pakistani ah oo sida la sheegay u baqaya bedqabka inantiisa ayaa madaxa gabadhiisa ku xiray kaamiro si uu dhaqdhaqaaqeeda ula socdo. Ma jirto wax aabbe walba oo fiican uusan u sameyn karin ilmihiisa. Aabbahan Pakistaniga ahina waa tusaale dhawaangal ah. Wuxuu madaxa inantiisa ku xiray kaamiro uu sheegay inuu uga dan leeyahay inuu ku ogaado dhaqdhaqaaqeeda ...
Read More »Qoraal-gacmeed lagu qoray Qur’anka kii ugu weynaa oo Kashmiir lagu soo bandhigay!
MUQDISHO (HN) – Farguri lagu qoray kutubka Qur’anka kariimka ah kii ugu weynaa ayaa lagu soo bandhigay gobalka Kashmiir oo ah mid ay xoog ku heysato Hindiya. Qoraal-gacmeedka, oo dhererkiisu yahay 41 cagood iyo ballac ahaan 8.5 cagood, waxaa si taxadar leh u farsameeyey aqoonyahan caan ah oo culimada diinta kamid ah, Pir Imtiaz Haider Shah Noorani Mujadadi. Bandhigga oo ...
Read More »Nigeria oo albaabada iskugu dhifanaysa goobaha qamaarka kaddib culeysyo dhaqaale.
MUQDISHO (HN) — Caasimadda Kanu ee waqooyiga Nigeria, booliska Islaamiga ah ee loo yaqaan Xisbada ayaa qaaday howlgallo lagu burburinayay – albaabadana la iskugu dhifanayay – goobaha u furan in lagu qamaartamo – iyaga oo lagu eedeeyey inay suuqa madow ku shaqeystaan isla markaana ay ku jiraan falal ka dhan ah Shareecada Islaamka. Tani ayaa daba socta khalkahl ku dhacay ...
Read More »Haweeney seygeeda isaga furaysa ‘Qubeys la’aan’.
MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Hindiya ayay haweeneydii u qabay dalbanaysa furriin 40 maalmood un kaddib guurkooda – iyada oo ka sheeganaysa qubeys-naceybkiisa oo ay tiri bishii wuxuu ka qubeystaa labo maalmood un. Haweeneydan oo kasoo jeeda Agra, gobalka Uttar Pradesh wuxuu u tagtay xarun tala-bixin siisa lammaanaha isqaba si ay uga warranto xaaladda dhif iyo naadirka ah oo ...
Read More »Daawo – Nin keligiis ku guuleystay inuu dhireeyo magaalo.
MUQDISHO (HN) — Haddii aad aaminsan tahay inaadan keligaa wax qaban karin, kawaran ninka keligiis keyn qurux badan ka dhex abuuray magaalo weyn oo caasimad u ah Brazil? Nala daawo sheekadiisa dhiirrigelinta xambaarsan.
Read More »Ninkii keligiis beeray 41,000 geedo ah!
MUQDISHO (HN) – Helio da Silva, oo ah ganacsade howlgab ah oo u dhashay dalka Brazil ayaa keligiis ku guuleystay inuu geedo dhan 41,000 ku beero magaaladiisa Sao Paolo. Wuxuuna soo waday beeritaankooda muddo 20 sannadood ah. Hadda qof walba oo diyaarad ku maraya magaaladiisa wuu arki karaa geedaha tirada badan oo uu keligiis ku beeray masaafo gaaraysa 3.2-kilometer oo ...
Read More »Halyay Muslim ah oo gabar iyo hooyadeed ka badbaadiyay in la ‘toorreeyo’.
MUQDISHO (HN) – Cabdullahi oo ah ilaaliye xarun ganacsi oo ku taalla Leicester Square ayaa si geesinimo leh uga adkaaday nin ku hubeysan mindi uu doonayay inuu ku dhifto gabar 11 jir ah iyo hooyadeed oo la socota. Durba markii uu maqlay qeyladooda ayuu si dhaqsi leh ugu booday ninka isaga oo dhulka ku celiyay si xoog leh ilaa boolisku ...
Read More »5,000 samafalayaal ah oo sannadkan ‘u adeegay’ xujeyda.
MUQDISHO (HN) – Ku dhawaad 5,000 oo samafalayaal ah ayaa iska diiwaangeliyay si ay ugu adeegaan xujeyda gudanaysa xajka, sida ay kusoo warrantay wasaaradda arrimaha diinta, dacwada iyo hanuuninta. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 247 jaad oo shaqooyin kala duwan ah oo qofka samafalaha ahi u qaban karo xujeyda. Waxaana kamid ah qeybinta caagag biyo ah oo gaaraya 235,000 oo ...
Read More »