crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Himilo | HimiloNetwork | Page 20

Author Archives: Himilo

Daawo – Faa’iidada ku jirta Malabka.

MUQDISHO (HN) — Ilaahay wuxuu Qur’ankiisa noogu sheegay inuu Shinnida ugu waxyooday inay degto meelaha sarsare sida buuraha oo ay soo cunto wixii miro geed saaran ah si ay uga soo saarto malab u macaan kuwa cabaya. Haddaba, faa’iidada laga helo malabka waxaa soo koobaya muuqaalkan kooban.

Read More »

Baadari caan ah oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Hilarion Heagy, oo ah baadari kamid ah Ruushka oo saldhigiisu yahay California dalka Maraykanka ayaa qaatay diinta Islaamka, sida ay ku warrameen warfidiyeenno dhowr ah. Baadarigan oo kamid ah kuwa loogu jecel yahay Galbeedka oo ay ku xiran yihiin kumanaan qofood ayaa lagu yaqaan isduldhig badan iyo naxariis. “Qofna si fudud kuma noqon karo baadari iyo wadaad ...

Read More »

Sheekada sida uu kusoo Islaamay oram Van Klaveren

MUQDISHO (HN) — Afar sanno kahor ayuu oram Van Klaveren go’aankiisa ah inuu diinta Islaamka rumeeyo uu qaatay. Gu’yaal badan ayuu dagaal kula jiray Islaamka kahor go’aankiisa. Sannadkii 1979 ayuu ku dhashay Amsterdam – aad buuna yaraantiisa u ahaa mid xiiseeya wax badan ka ogaanshiyaha Islaamka. Aad buuna dhabtii shaki uga qabi jiray diinta Masiixiyadda oo sheegata saddex Ilaah inay jiraan, ...

Read More »

Gabdho – nin hore xiriir ula lahaan jiray – arooskiisa u yimid inay ka ciideeyaan!

MUQDISHO (HN) — Nin ku nool Shiinaha ayaa maalintii farxadda arooskiisa waxay isku beddeshay buuq iyo muran kadib markii tiro hablo ah oo xiriir hore uu kala dhaxayn jiray ay isku soo baheysteen si ay uga jiiraan dabaaldegga maalinta guurkiisa. Haweenkan oo soo qaatay boor ay ku qoran tahay: “Waxaan nahay Song jaceyladiisii hore, waxaana u nimid inaan ku burburino.” ...

Read More »

Sababta Shaqo-doonayaasha iyo Waraystaha ay wejiga u xirtaan marka ay galaan waraysiga!

MUQDISHO (HN) — Shirkad ku taal Chengdu ayaa lagu amaanay fikrad lala dhacay oo ah in shaqo-doonaha iyo waraystaha ay xirtaan weji-gashi – si aysan isku arkin – sababta ayaa lagu sheegay inay ku doonayaan in looga fogaado nintooxsiga iyo eexda shaqo-doonayaasha lagu kala xusho. Waxaa intaas dheer, muuqaalka qofku shirkaddan gudaheeda wax micno ah kama gooyo. Waxaana halkaas loogu ...

Read More »

Feeryahanka Birta ah oo qaatay diinta Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Feeryahan Rodtang Jitmuangnon oo ah horyaalka feerka Muay Thai ayaa qaatay diinta Islaamka kahor inta uusan guursan gacalisadiisa Muslimadda ah. Waxaana loo qabtay shahaadada ama kalmadda tawxiidka. Halyeygan ayaa loo yaqaan ninka birta ah ‘the iron man’. Wuxuu markii hore soo noqday Buudis laakiin kuma helin xasilooni iyo raaxo. Wuxuuna ugu dambeyntii qaatay Islaamka. Islaamku waa diinta ...

Read More »

La kulan – 55 Jirka Ardayga ah!

MUQDISHO (HN) — Wax-barashada lagama gaboobo. Sidaas oo ay tahay dad badan waxay u heystaan in weynaantu tahay caqabad ku horgudban aqoonta iyo cilmi-raacashada. Laakiin in yar ayaa dhab u aaaminta inuusan habeen ka tagin oo weli ay fursad u heystaan wax-barashada. Waana sheekada 55 jirka u dhashay dalka Rwanda midda tusaale nool u ah. Jean Marie Vianny. Ma uusan ...

Read More »

Mall-ka laga dhisay Dusha sare ee Dhismo Dabaq ah + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Caasimadda Jakarta ee dalka Induniisiya waxaa ka dhisan mashaariic dhismayaal ah oo aad u yaab badan. Suuqweyne laga adeegto oo ku yaalla dusha sare ee dhismayaal xiriira oo dabaqyo ah ayaana kamid ah. 20-kii sanno ee lasoo dhaafay, Induniisiya caasimadeeda Jakarta waxay kamid ahayd magaalooyinka ugu dadka badan dunida guudkeeda – halkaas oo in ka badan 10 milyan ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!