MUQDISHO (HN) — In ka badan 10 milyan oo Muslimiin ah ayaa salaadda ku dukaday qeybta Al-Rawda Al-Sharifa oo kamid ah Masjidka Nabiga ee magaalada Madiina inta lagu jiro sannadkan 2024, sida ay ku warbixisay Laanta Daryeelka Guud ee Masjidka Nabiga. Warbixinta ayaa lagu sheegay in 5,583,885 oo rag ah iyo 4,726,247 oo dumar ah ay booqdeen guriga Suubanaha NNKH ...
Read More »Monthly Archives: October 2024
Gabar – si ay usoo qabato dilaaga aabbaheed – ugu biirtay booliska oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigtay!
MUQDISHO (HN) — Gabar nolosheeda inta ugu badan ku bixisay dabagalka qaabkii ay ku qaban lahayd dilaaga aabbaheed oo baxsad ahaa muddo 25 sannadood ah. Ugu dambeyn, waxay ku guuleysatay inay cadaaladda hor keento. Bishii February 16, 1999, Givaldo José Vicente de Deus ayaa lagu dilay magaalada Boa Vista kaddib muran iyo is-qabsi dhex maray isaga iyo dilaaga oo la ...
Read More »Buundada laga dul dhisay webiga dushiisa!
MUQDISHO (HN) — Buundada sabaysa ee Shiziguan oo sidoo kale loo yaqaan buundada riyooyinka Bridge of Dreams waa kaabad dheer ilaa 400 mitir taas oo ay adeegsan karaan baabuurta culeyskoodu ka yar yahay 2.8 tan si ay u kor maraan dusha webiga Qingjiang. Webigan oo ay dhinacyadu kaga hareersan yihiin dhir waaweyn aadna u qurxoon, wuxuu kamid yahay meelaha ildoogsiga iyo dalxiiska ...
Read More »Da’yar cuntada uga soomay si iPhone loogu iibiyo!
MUQDISHO (HN) — Wiil kasoo jeeda dalka Hindiya ayaa lagu soo eedeeyey inuu dhagray hooyadiis kadib markii uu muddo saddex maalmood oo xiriir ah ka soomay cunnada si loogu iibiyo iPhone. Muuqaal fiidiyow oo laga soo duubay wiilkan isaga oo jooga dukaan lagu iibiyo mobillada ayuu ku qiranayaa inuu ka soomay cunnada si uu hooyadiis ugu cadaadiyo inay iPhone u ...
Read More »Nin wicitaan nafta uga qaaday xaaskiisa oo la xiray!
MUQDISHO (HN) — 38 jir u dhashay dalka Japan ayaa dhawaan xabsiga la dhigay kaddib markii la sheegay inuu wicitaan nafta uga qaaday xaaskiisa – isaga oo 100 jeer ka badan wacaya maalin walba waxna aan u sheegeyn. Haweeneyda uu qabo oo 31 jir ah, kana soo jeedda Amagasaki, dalka Japan ayaa wicitaan aan lala hadleyn – marwalba oo ay ...
Read More »Aabbe gabadhiisa ‘madaxa ugu xiray kaamiro’ si uu xaaladdeeda ula socdo marwalba!
MUQDISHO (HN) — Aabbe Pakistani ah oo sida la sheegay u baqaya bedqabka inantiisa ayaa madaxa gabadhiisa ku xiray kaamiro si uu dhaqdhaqaaqeeda ula socdo. Ma jirto wax aabbe walba oo fiican uusan u sameyn karin ilmihiisa. Aabbahan Pakistaniga ahina waa tusaale dhawaangal ah. Wuxuu madaxa inantiisa ku xiray kaamiro uu sheegay inuu uga dan leeyahay inuu ku ogaado dhaqdhaqaaqeeda ...
Read More »Qoraal-gacmeed lagu qoray Qur’anka kii ugu weynaa oo Kashmiir lagu soo bandhigay!
MUQDISHO (HN) – Farguri lagu qoray kutubka Qur’anka kariimka ah kii ugu weynaa ayaa lagu soo bandhigay gobalka Kashmiir oo ah mid ay xoog ku heysato Hindiya. Qoraal-gacmeedka, oo dhererkiisu yahay 41 cagood iyo ballac ahaan 8.5 cagood, waxaa si taxadar leh u farsameeyey aqoonyahan caan ah oo culimada diinta kamid ah, Pir Imtiaz Haider Shah Noorani Mujadadi. Bandhigga oo ...
Read More »Nigeria oo albaabada iskugu dhifanaysa goobaha qamaarka kaddib culeysyo dhaqaale.
MUQDISHO (HN) — Caasimadda Kanu ee waqooyiga Nigeria, booliska Islaamiga ah ee loo yaqaan Xisbada ayaa qaaday howlgallo lagu burburinayay – albaabadana la iskugu dhifanayay – goobaha u furan in lagu qamaartamo – iyaga oo lagu eedeeyey inay suuqa madow ku shaqeystaan isla markaana ay ku jiraan falal ka dhan ah Shareecada Islaamka. Tani ayaa daba socta khalkahl ku dhacay ...
Read More »Haweeney seygeeda isaga furaysa ‘Qubeys la’aan’.
MUQDISHO (HN) — Nin u dhashay dalka Hindiya ayay haweeneydii u qabay dalbanaysa furriin 40 maalmood un kaddib guurkooda – iyada oo ka sheeganaysa qubeys-naceybkiisa oo ay tiri bishii wuxuu ka qubeystaa labo maalmood un. Haweeneydan oo kasoo jeeda Agra, gobalka Uttar Pradesh wuxuu u tagtay xarun tala-bixin siisa lammaanaha isqaba si ay uga warranto xaaladda dhif iyo naadirka ah oo ...
Read More »Daawo – Nin keligiis ku guuleystay inuu dhireeyo magaalo.
MUQDISHO (HN) — Haddii aad aaminsan tahay inaadan keligaa wax qaban karin, kawaran ninka keligiis keyn qurux badan ka dhex abuuray magaalo weyn oo caasimad u ah Brazil? Nala daawo sheekadiisa dhiirrigelinta xambaarsan.
Read More »