crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kupi Khop – Qaxwaha lagu cabo koob la afgembiyay + Sawirro. | HimiloNetwork

Kupi Khop – Qaxwaha lagu cabo koob la afgembiyay + Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Kupi Khop waa nuuc qaxwaha kamid ah oo dadka koobka uu ku jiro lagu siiyo isaga oo foorara ama afkiisu uu xagga dhulka ujeedo.

Dad badan waxay shaaha iyo qaxwaha jecel yihiin inay isaga oo diirran ay ku fiiqsadaan fiijaanka. Laakiin, dhaqankan yaabka leh ee ka jira Induniisiya, wuxuu dhigaya in koobka qaxwaha laguugu soo shubayo uu ahaado mid ku ganbisan weel fidsan. Waxaana cabaha ama qofka dhamaya uu ku fuuqsanaya tubo.

Si aayar aayar ah oo miyirqab leh ayaa laga doonaya in qofka loo shubayo ee cabaya koobka oo ku ganbisan weelka u feydo si uu tubada uga cabo. Marka la sameynaya, waxaa qofka diyaarinaya uu marka hore sida caadiga ah koobka ugu shubayaa qaxwaha kadibna wuxuu afka ka saaraya weel fidsan kahor inta uusan daba-gedin koobka.

Waa mid kamid ah dhaqamada soo jireenka ah ee ka jira Induniisiya, waana mid soo tixnaa qarniyo badan.

Kuwa jecel inay habkan u cabaan qaxwaha ayaa ku doodaya in maadama koobka la afgenbiyay uu sii heysanayo diirimaadka oo uusan horay ka qaboobeynin. Waxaa kale oo ay qabaan inuu yahay mid bedqaba mar haddii ciid ama cayayaan iyo wixii la halmaala aysan ku bideynin gudaha koobka.

Laakiin waa shaqo u baahan waaya’aragnimo iyo ku xeeldheeraasho maadama afgenbita koobka ay sababi karo gubasho.

Soomaalida qaar ayaa shaaha kulul ku qabowsada weelashada si uu ugu qaboobo. Makula tahay in sidaan oo kale aad shaaha u cabi karto?!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!