MUQDISHO (HN) — Nin Hindi ayaa gacantiisa sare u taagayay muddo 10 sannadood – mana uusan dejin marnaba – sida lagu soo warramay.
Mahant Radheypuri Juna Akhara, wuxuu ficilkan u sameynayay, sida la sheegay, si uu u sharfo sanamka uu caabudo ee Sadhu. Muuqaalkiisa ayaa dhawaan ku baahay baraha bulshada. Wuxuuna qabsaday hadalheynta. Wuxuu saxaafadda u sheegay inuu tallaabtan ku dhaqaaqay si uu sanamkiisa u raaligeliyo. Subxanallah.
Sidaas darteed, tan iyo markii uu sare u taagay gacantiisa maalinna ma uusan dejin. Maanta gacantiisu waxay u taagan tahay sida taallo meel la qotomiyay. Mana ku heyso wax dareen ah ama xanuun ah.
Sannadihii ugu horreeyey ayuu dareemi jiray xanuun badan maadaama uu si ka duwan sidii Eebbe u abuuray uu doortay inuu gacantiisa ka yeelo. Laakiin murqaha oo la qabsaday qaabkaas loo qotomiyay ayaa ugu dambeyntii keentay in dareemaha gacantu aysan yeelan wax tabar ama awood ah.
Haddii wax lagu dhifto ama la qanjaruufto waxay u badan tahay inuusan dareemin. Wuxuu ku seexdaa.
Hindiya waxaa ka jira dhaqamo dib u socod ah oo sharafta iyo jiritaanka xurmada qofka bani-aadanka ka dhan ah taas oo ka dhalatay waxa ay diin ahaan u rumeysan yihiin. Inta badan, dadka sheegta inay ka saahideen dunida waxay ku dhaqaaqaan ficillo halis ku ah naftooda oo ay ku doonayaan inay, sida ay aaminsan yihiin, ugu dhawaanayaan asnaamta ay caabudaan.
You must log in to post a comment.