crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabar – si ay usoo qabato dilaaga aabbaheed – ugu biirtay booliska oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigtay! | HimiloNetwork

Gabar – si ay usoo qabato dilaaga aabbaheed – ugu biirtay booliska oo ugu dambeyn gacanta kusoo dhigtay!

MUQDISHO (HN) — Gabar nolosheeda inta ugu badan ku bixisay dabagalka qaabkii ay ku qaban lahayd dilaaga aabbaheed oo baxsad ahaa muddo 25 sannadood ah. Ugu dambeyn, waxay ku guuleysatay inay cadaaladda hor keento.

Bishii February 16, 1999, Givaldo José Vicente de Deus ayaa lagu dilay magaalada Boa Vista kaddib muran iyo is-qabsi dhex maray isaga iyo dilaaga oo la yiraahdo Raimundo Alves Gomes oo xabado badan ku dhiftay. Doodda ayaa ka dhalatay lacag deyn ah oo ku lahaa dilaaga oo gaaraysa 150 Brazilian reals una dhiganta ($29 sannadkii 1999). Dilaaga ayaa markii isqabsigu xoogeystay wuxuu u baxay bannaanka – in yarna kaddibna wuxuu lasoo noqday qori isaga oo shan xabo madaxa uga dhiftay aabbahan oo shan carruur ah ay u joogtay. Gomes wuxuu iskaga baxsaday goobta laakiin warqaddii lagu soo xiri lahaa ayaa loo jaray – balse marnaba laguma guuleysan in lasoo qabto.

Qoyskiisu waxay isaga quusteen in dilaaga cadaaladda la hor keeno, laakiin gabadhiisa ugu weyn oo markaas jirtay 9 sano, waxay nolosheeda oo dhan ku bixisay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd.

“Aabbe wuxuu ka tagay qoys nolol ahaan hooseeya: shan carruur ah iyo hooyadood oo ay ku adkeyd inay keligeed koriso,” Gislayne Silva de Deus ayaa u sheegtay Nova1.

Waxay sii wadatay dardaarankii aabbaheed oo ahaa inaysan marnaba ka harin tacliinta iyo inay hiigsato meelaha sare ee nolosha. Waxayna geeskeeda ka caawin jirtay hooyadeed koriimada ilmaha ka yaryar. Doonis adag ayaase ku duugneyd laabteeda oo ah inaysan marnaba ka quusan gacan ku dhigidda dilaaga aabbaheed.

Markii ay dugsiga sare dhameysay, waxay baratay sharciga kaddibna sannadkii 2022, waxay dooratay inay noqoto sarkaal boolis ah, iyada oo isaga tagaysa shaqadeeda gareennimada. Markii ay ka gudubtay imtixaanka tijaabada, waxay dalbatay in loo wareejiyo deegaanka uu aalaaba dhaqdhaqaaqiisu ku badnaa Raimundo Alves Gomes, dilaaga aabbaheed.

25 bishii September, labo bil un kaddib xubinimadeeda booliska, waxay ka dhabaysay riyadeeda. Waxayna gacanta kusoo dhigtay dilaaga isaga oo ku dhuumaalaysanaya meel beer ah. Waxaana loo taxaabay xabsiga.

“Markii aan warka qabashadiisa la wadaagay ehelkayga, aad bay ugu farxeen iyaga oo iskugu hambalyaynaya,” ayay tiri.

Sheekada kartida gabadhan iyo sida ay ugu guuleysatay inay gacanta kusoo dhigto dilaaga aabbaheed ayaa aad ugu u qabsatay guud ahaan Latin Amerika gaar ahaan Brazil, waxayna taabatay qalbiyada dad badan oo ku farxay in cadaaladda la hor keeno dilaagii nolosha dhaafiyay aabbaheed.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!