crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> September | 2019 | HimiloNetwork | Page 2

Monthly Archives: September 2019

Sawirro – Farshaxan-yaqaan reer Portugal oo Dunida ka yaabsaday!

LISBON (HN) — Farshaxan-yaqaan u dhashay dalka Portugal ayaa leh hibo dadka qaarkiis la dhinac-simayaan awood-dabiici ah. Wuxuu shaki gelin karaa dhugashada hore ee aragtida indhahaada. Wuxuuna kugu qasbayaa inaad mar labaad ku laabato si aad u hubsato. Isaga oo 14 jir ah ayaa soo bilaabay xirfadda farshaxanka, Rodrigo Miguel Sepulveda Nunes, oo hadda 36 jir ah. Sannadkii 2007 ayuu ...

Read More »

Haweeney – Qosolkeeda badan awgiis – Afku iskugu qabsami waayay!

MUQDISHO (HN) — Haweeney Shiinees ah ayaa dhawaan awoodi waysay inay isku qabato labadeeda daan ee afka kaddib markii fadhiga gowsaha ay kala durgeen. Waxaana tani ay timid markii ay si xad-dhaaf ah u badsatay qosolka. Shilkan ayaa dhacay bilowgii bishan iyada oo tareen usoo raacaysa Guangzhou. Dr. Luo Wensheng, oo kamid ah rakaabka tareenka ayaa u degdegay xaaladda haweeneydan ...

Read More »

Hooyo – si ay deynta iskaga bixiso – Mataanaheeda iska iibisay.

BEIJING (HN) — Hooyo keli-nool ah oo ku nool dalka Shiinaha ayaa xabsiga loo taxaabay dhawaan markii la ogaaday inay mataano ay dhashay ku iibsatay adduun dhan 65,000 yuan ($9,100) si ay ugu deyn baxdo kagana iibsato moobil cusub. Marka loo eego Ningbo Evening News, hooyadan oo ku jirta da’da 20 jirka ayaa lagu soo waramay in bishii September sannadkii hore ...

Read More »

Meeqo sanno ayaad ku qiyaasi lahayd da’da inankan?!

ISTANBUL (HN) — Daawadayaasha kulan ciyaareed dhex marayay laba koox oo Turkiga ka wada dhisan ayaa ku wareeray muuqaal da’yar fiirsanayay ciyaarta oo la ogaaday inuu ka weyn yahay sida uu u muuqaal u eg yahay. Kulan ciyaareedka oo dhex marayay labada koox ee ugu weyn dalka Turkiga ee Bursaspor iyo Fenerbahce ayay daawadayaashu ku adkaatay inay si dhab ah ...

Read More »

Macalin – si aan loo qishin Imtixaanka – sameeyey fal cajiib leh.

LATIN AMERICA (HN) — Macalin Mexican ah ayaa laga ceyriyay shaqadiisa kaddib markii uu ardaydiisa kartoon u geliyay madaxyadooda si aanay u qishin imtixaan ay u fadhiyeen in laga qaado. Luis Juárez Texis, oo ah bare dhiga El Sabinal waxaa lagu eedeynayaa inuu bahdilaad iyo ku xad-gudubka xuquuqda aas-aasiga ah ee aadanaha kula kacay ardaydiisa kaddib markii baraha bulshada ay ...

Read More »

Shaqaale ciqaab looga dhigay inay cunaan kalluun nool….

MUQDISHO (HN) — Shirkad gediska ganacsiga ku gaarowday oo ku taalla Guizhou, ayaa la kulantay fadeexad kaddib markii ay shaqaalaheeda ku amartay cunaan kalluun nool; iyo inay cabaan dhiiga digaaga, maadaama heerkii shirkadda ay u baahneyd aanay uga soo bixin shaqadooda. Muuqaalka shaqaalaha oo si qasab ah ku liqaya kalluun kuna cabaya dhiig digaag ayaa ku baahay baraha bulshada taas ...

Read More »

Haweeney – Seygeeda oo Waqti u waayay awgeed – Furriin dalbanaysa.

DELHI (HN) — Haweeney Hindiya ayaa qabsatay wararka ugu waaweyn kaddib markii ay furriin ka dalbatay seygeeda aan u helin waqti uu kula haasaawo maadaama uu intiisa ugu badan ku mashquulay diyaarinta imtixaanka qaranka. Haweeneydan oo kasoo jeeda Bhopal ayaa dooddeeda ku sheegtay in seygeeda uusan la qaadan waqti ku filan. Haddii taasi loo arki karo mid iska caadi ah, ...

Read More »

Mexico – Marka Maayarku uusan gudan Waajibaadka loo igmado.

MUQDISHO (HN) — Siyaasiyiintu waxay sameeyaan balamo si ay u helaan codad loogu shubo xilliga doorashada. Waxaase codbixiyaasha ku adkaata inay helaan madal ballamaha laga qaado loogu oofiyo. Hayeeshe, dadka degan magaalo yar oo ku taalla Mexico ayaa go’aansaday inay cashar lama ilaawaan ah u dhigaan maayarkooda uga baxay ballamo uu la galay xilligii doorashada – iyaga oo u xiray ...

Read More »

Weriye – si uu usoo gudbiyo xaalad adag – Naftiisa halis u geliyay.

MUQDISHO (HN) — Azadar Hussein, oo ah wariye u dhashay dalka Pakistan ayaa qabsaday baraha bulshada kaddib markii uu kasoo dhex muuqday muuqaal oo toos uga soo dhex warramayo fatahaado ka dhashay degmadiisa. Si uu u muujiyo halista ay la nool yihiin dadka Kot Chatta, Hussein wuxuu go’aansaday inuu biyaha dhexdooda kasoo tebiyo dhibaatada fatahaaddu ku geysatay gobalka. Waxaana kaliya ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!