LATIN AMERICA (HN) — Macalin Mexican ah ayaa laga ceyriyay shaqadiisa kaddib markii uu ardaydiisa kartoon u geliyay madaxyadooda si aanay u qishin imtixaan ay u fadhiyeen in laga qaado.
Waalidiinta ardayda oo aad uga carooday falka macalinka ayaa dowladda ugu baaqay inay tallaab degdeg ah ka qaado macalinka.
Sawirada laga soo qaaday ardayda ayaa la wadaagay in ka badan kumaankun, waxaana ay qabsadeen wararka ugu doorka roon dalka Mexico. Si kastaba, halkii ay ka dhaleeceyn lahaayeen baraha, waxay u jeediyeen bogaadin iyo hambalyo.
“Shaqo wacan ayaa qabatay, waxay ila tahay in waalidiintu aanay ka walwalin kartoonnada madaxa ugu jira ilmahooda, balse ay ka fikiraan wax-barashadooda,” ayuu yiri mid kamid ah.
“Hambalyo ustaad, waad asiibtay,” ayuu sii raaciyay mid kale.
Ma ahan markii ugu horreysay oo sheekadan oo kale ay soo if baxdo. Mana ahan mid ugub ah. Sannadkii 2013-ka, dalka Thailand arday ayaa lagu amray inay xirtaan koofida la yiraahdo ‘helmet’ si looga hortago inay qishaan imtixaanka.
You must log in to post a comment.